Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaa shaanaya kuwa deegaanka ayaa hawgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay maanta ka sameeyeen qaar ka mid ah deegaano ka tirsan dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Ciidama Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaank ayaa hawgalladaan waxa ay ka sameeyeen deegaan kala ah; Saaxda Rooxaale, Gaanuwaay, Degolool, Banayaal, Biilaale, Degomar, Kurmaan iyo deegaano kale oo dhaca Waqooyi Galbeed degmada Diinsoor ee gobalka Baay.

Howlgalkaan oo hogaaminayay Taliyaha ururka 154-Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee xoogga dalka Xidigle Xasan Adan Cali ayaa sheegay in howlgalkan  bartil-maameedkiisu ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugan hoodka fog ee Degmada Diinsoor.

Hawgalladaan ayaa ku soo aadayaan xilli maalinimadii shalay uu Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu shirguddoomiyey shir looga hadlayey udiyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgaleen Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka, Gudoomiyaasha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiisha Ciidanka Qeybahooda kala duwan ee ka Howlgala Guud ahaan Deegnada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray Saraakiisha Ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in uu bilowday dagaalka Deeganada Koonfur Galbeed looga Saarayo Al-Shabaab, kuwaas oo in muddo ah ku sugnaa deegaanada maamulkaas.

Share.

Leave A Reply