Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka Deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Dowlad-Goboleedyada Soohdin wadaagga ah ee Hir-Shabeelle iyo Galmudug, waxa ay saacadihii u dambeeyay gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday in wax badan laga baddelay qorshihii dagaalka ee horay loo dejiyay waxa ay ciidamadu xoogga saareen tuulooyinka iyo deegaannada ka horreeya degmooyinka bartilmaameedka u ah.
Madaxda Federaalka & kuwa Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa kordhiyay kormeerka furimaha dagaalka, la kulanka saraakiisha hoggaanka u ah ciidamadaas wadajirka u howlgallada iyo in ay si dhow uga warqabaan.
Gobolka Galgaduud waxaa howlgallada ka socda deegaannada dhaca Bariga Gobolkaas kasoo muuqday Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.
Hiiraan waxaa howlgallada iyo abaabulka dagaalka is barbar socda kasoo muuqday Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, Guddoomiyeyaashii hore ee Gobolkaas, Xildhibaanno iyo saraakiil kale duwan.
Halka Gobolka Shabeelaha Dhexe uu furimaha dagaalka ku sugan yahay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolkaas Axmed Mayre Makaraan, Xildhibaanno & saraakiil.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Deegaannada Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug si loosoo afjaro wajiga koowaad ee howlgalladaas.
La soco wixii kasoo kordha.