Cutubyo ka tirsan ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo ka ruqaansaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa gilinkii dambe ee maanta howlgal aay sameeyeen ku bur-buriyay fariisinkii ugu weynee ee AS ku lahaayeen deegaanka Ceelgorof oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ee hoggaaminayay howlgalkaasi ayaa carabka ku dhuftay in aay cagta mariyeen fariisinkii AS ee Ceelgorof aayna saacadaha soo aadan howlgalka sii wadi doonaan.

Saraakiisha ayaa intaasi ku dartay in dagaal kooban oo dhacay AS khasaare ku gaarsiyeen halka dhanka kale uu xusay in gaari aay saarnaayeen dad shacab ah uu haleelay qarax AS ku aaseen afaafka hore ee deegaanka Ceelgorof, kaasi oo dad shacab ah khasaare uu kasoo gaaray.

Ceelgorof iyo Wabxo oo kooxda AS ku suganyihiin ayaa laga sheegay in aay ka soo abaabulaan Qaraxyada iyo weerarada aay AS ka sameeyaan degmada Maxaas iyo deegaanno hoostaga.

Wararka laga helayo degmada Wabxo ayaa sheegaya in kooxda AS cabsi xooggan ka qabaan ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ee dhanka Maxaas kasoo ruqaansaday kuwaas oo ku wajahan wabxo.