Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa caawa fashiliyay weerar kooxda AS

Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo aay warbaahinta u xaqiijiyeen Meleeshiyaad ka tirsan AS oo ku dhow 300- oo ku socday Seddax raac isla markaana weerar doonayay in aay ku qaadaan deegaan u dhaxeeya deegaanada Goobo iyo Ceeleey ayaa waxaa ka hortagay ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo helay xogta qorshaha weerarka AS.

Iska hor-imaad waqti kooban socday ayaa labada dhinac dhaxmaray taasi oo AS uu qasaare xooggan kasoo gaaray sida ilo deegaanka warbaahinta u xaqiijoyeen.

Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ee ku sugan deegaanada Goobo Ceeleey iyo kuwa kale ayaa caawa la galshay heegan buuxa si aay uga hortagaan weerarka AS.

AS oo horay casharo dhanka dagaalka ah ugu dhigeen geesiyaasha ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ee ku sugan Ceeleey Goobo iyo kuwa ayaa la saadaalin durba in aaysan guul kala laaban doonin AS weerar aay kusoo qaadaan deegaanadaasi.