Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya & ‘AS’ ayaa saakay ku dagaalamay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Dagaalka ayaa ku billowday hoobiyeyaal ay isku rideen labada dhinac waxaana xigay dagaal toos ah oo ka dhacay saldhigyada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Awdheegle.
Dadka Deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in dagaalka uu markii dambe istaagay balse ilaa hadda aanay jirin faah-faahin ay ka heleen khasaaraha kala gaaray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ‘AS’.
‘AS’ ayaa sheegatay in ay qabsatay saddex saldhig oo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Bannaanka iyo Gudaha Degmada Awdheegle balse ma jiro war kasoo baxay dhanka Dowladda oo looga hadlay dagaalkaas.
Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay dhaqdhaqaaq ciidan kawadeen Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan tuulooyinka hoostaga Degmada Awdheegle inkasta oo ilaa hadda aanay macluumaad dheeraad ah laga helin natiijada kasoo baxday.
La soco wixii kasoo kordha.