Christian Eriksen Oo Ka Jawaabay Dalabka Ay Man United Ka Gudbisay Saxiixiisa

110

Christian Eriksen ayaa sheegay in uuna ku deg-degi doonin in uu go’aan ka qaato mustaqbalkiisa xilli ay jiraan warar sheegaya in ay Man United dalab ka gudbisay saxiixiisa.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday ka tagista kooxda Brentford kadib markii uu dhacay heshiiskiisa waxana uu xiiso ka helayaa kooxo dhawr ah.

Man United ayaa la sheegayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Christian Eriksen si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdooda.

Si kasta ha ahaatee Christian Eriksen ayaa sheegay in uuna ku deg-degi doonin go’aan qaadashada mustaqbalkiisa.

Christian Eriksen oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kuma deg-degi doono go’aanka mustaqbalkayga iyaguna way ogyihiin”.

Waxa jira meelo badan oo aan wax ka eegi doono ka hor inta aanan go’aan qaadan wakiilkaguna wuu ila soo xidhiidhi doonaa marka uu dalab fiican helo”ayuu sii raaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here