Chelsea Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixanaysa Edouard Mendy

94

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato Goolhaye Edouard Mendy.

Goolhayaha reer Senegal ayaa kooxda chelsea ku soo biiray xagaagii 2020 waxana uu ka mid noqday Goolhayayaasha ugu fiican premier League.

Chelsea ayaa heshiis ilaa sanadka 2025 ah ka saxiixatay Goolhaye Edouard Mendy markii uu ku soo biiray kooxda walina waxa uu kooxda kula jiraa heshiis 3 sano Xariir ah.

Laakiin chelsea ayaa doonaysa in ay sii hubiso mustaqbalka Goolhayaha 30 jirka ah kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Man United ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato Goolhayaha reer Senegal heshiiskiisa haatana ku darto 2 sano oo kale.

Sidoo kale chelsea ayaa doonaysa in ay kor ugu qaado mushaharkiisa maadama uu aatan ka mid yahay xiddigaha ugu mushaharka yar kooxda chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here