CCW oo ugu baaqay shacabka in ay gurmad la soo gaaraan dadka kusoo barakacay magaalada Cadaado.

153

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

U jeedka safarka Ergeyga ayaa ku qotoma u kuur galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta ay abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ku nool qaar ka mid ah Deegaannada Dowlad Gobaleedk Galmudug.

Ugu horreyn Ergeygu ayaa kormeer ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaaada Cadaado, Sida xerooyinka Bari iyo Xarardheere oo barakacayaasha ku jira ay u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah oo u baahan gargaar iyo garab istaag degdeg ah.

Dhanka kale waxa uu booqday Isbitaalka guud ee degmada Cadaado oo lagula tacaalayo carruur ay saamaysay nafaqo darradaa ka dhalatay abaaraha ka jira guud ahaan deegaanada ku hareeraysan Magaalada.

Magaalada Cadaado ayaa marti-galinaysa kumannaan qoys oo abaaruhu ceyrteeyeen, kadib afar xilli roobaad oo baaqday, cunto yarida iyo nafaqo-xumada ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii gargaarka bini’aadannimo aan kor loo qaadin lana joogteyn.

Ergayga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta, Dowladda, deeq-bixiyaasha, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGOs-ka caalamiga ah in ay gurmad degdeg ah gaar siiyaan dadka tabaalaysan ee ku sugan Cadaado, si macaluusha soo wajahan looga hor tago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here