Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    CC Shakuur oo si aan la fileyn u dhigay shirkii Muqdisho ee madaxda dalalka safka hore
    Gudaha

    CC Shakuur oo si aan la fileyn u dhigay shirkii Muqdisho ee madaxda dalalka safka hore

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 3, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal dheer kasoo saaray shirkii Arbacadii ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in shirkan uu ka dhigan yahay in dowladda Soomaaliya ay nabad la tahay deriskeeda, islamarkaana ciidanka Soomaaliya uu hoggaanka u hayo dagaalka argagixisada ka dhanka ah.

    “Waxaase aragti, istiraatiijiyad iyo xeeladba u bahaan maaraynta is diiddada faragelintii shalay argagexisada keentay iyo taageerada looga rabo in lagu ciribtiro,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraalkiisa.

    Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa iskula xiriiriyay dhacdooyin dhacay 2005 illaa 2007-dii, kuwaasi oo iftiiminaya halka ay taagan tahay Soomaaliya iyo meesha ay ka imaatay.

    Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore ayaa waxa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa howl-galada lagu cirib-tirayo argagixisada, ayada oo madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

    Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran.

    Sanadkii 2005, Nairobi oo xilligaa fadhi u ahayd Baarlamaankii KMG ahaa ee Dawladda Federaalka, ayey Xildhibaannadii kuraasta isla dhaceen kadib markii ay isku khilaafeen in Soomaaliya la geeyo ciidan ka socda dalalka safka hore, waxaa xilligaa si gaar ah loo diiddaanaa Itoobiya.

    17 sano ka dib dawladihii safka hore ayaa maanta Muqdisho ku shiraya, iyagoo gurmad ciidan iyo guluf colaadeed looga rabo dagaalka argagexisada Al-Shabaab ka dhanka ah.

    Xilliga kuraasta la isla dhacayo dooddu waxay ahayd derisku dano toos ah oo afsaar ah ayey dalkeena ka leeyihiin, sidaas darteed laguma kalsoonaan karo, halka doodda deriska ay ahayd in halista amni darrida Soomaaliya ay iyaga toos u taabanayso, waxayse ku dhamaatay in safka hore laga reebo oo Uganda, Burundi iyo Sierra Leone la keeno.

    Sanadkii 2006, markii ay guuldaraysteen wadahaladii Midowgii Maxkamadaha iyo Dawladdii KMG ahayd, saraakiil ka tirsan Maxkamadaha ay farriimo hanjabaad ah Itoobiya warbaahinta u mariyay, durba Itoobiya hadalkii bay la booday, waxayna ku marmarsiyootay in halistii amni ay durba dig soo tiri, iyadoo taageero caalami ah wadata ayey cagta marisay Maxkamadihii

    Sanadkii 2007, markii la aasaasay Isbahaysigii dib u xoraynta Soomaaliya, kooxda Al-Shabaab ayaa gooni isku taagtay, kadib weerarro iyo afduub ay gudaha iyo xadka Kenya ka gaysteen, Kenya oo iyaduna ku doodaysa in ay Soomaaliya halis amni kaga imaanayso ayaa sanadkii 2011 gudaha u soo gashay waddanka.

    Dawladihii xilka iskaga danbeeyey ayaa Kenya iyo Itoobiya u oggolaaday in ay AMISOM ka mid noqdaan, Jabuutina way ku soo biirtay, maadaama aysan ka maqnaan karin, mar haddii dawlidihii kale ay Soomaaliya galeen.

    Maraykan oo hor kacayey taageerada caalamiga iyo Itoobiya oo hawlgalka gudaha wadday, labaduba ma inkirsana in faragelintii iyo duullaankii Itoobiya uu qayb wayn ku lahaa soo ifbaxa iyo kobaca kooxda Al-Shabaab.

    Dhinac waa ka ayaan dari oo ah in dawladihii aan la tartami lahayn, kulana loollami lahayn hoggaanka Geeska Afrika ay maanta gurmad ciidan inoo yihiin, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa

    “Lax waliba shillinkii ay is dhigtaa lagu gawracaa”!!

    Dhinaca kale, yididdiilo ayaa muuqata maadaama shirka uu Muqdisho ka dhacayo, taasoo ka dhigan in dawladu Soomaaliya ay nabad la tahay deriskeeda, iyaduna marti gelinta, ajandaha iyo hoggaanka shirka leedahay, ciidanka Soomaaliya uu hoggaanka u hayo dagaalka argagexisada ka dhanka ah, waxaase aragti, istiraatiijiyad iyo xeeladba u bahaan maaraynta is diiddada faragelintii shalay argagexisada keentay iyo taageerada looga rabo in lagu ciribtiro.

    Taasi waa jebinta qandhada cudurka oo ah sidii aan isaga dulqaadi lahayn argagexisada arxan laawayaasha ah ee ina baday in aan ajnabi asaageen ah maciinsano?.

    Waxaanse is moogaysiin iyo dhalanteed lagu dhaafi karin in aan dhab uga wada hadalno sababaha keenay cudurka asaageen naga reebay? Sideen qabyaaladda, gobolaysiga, kooxaysiga, musuqa, eexda, qof jecylasiga iyo danaysiga shakhsiga ah uga bixi karnaa ama u dhimi karnaa?.

    Wadajirna ugu duubannaa ka shaqaynta danta guud, saraynta sharciga iyo dhismaha dawlad loo siman yahay oo xaqsoor ku dhisan, taasoo ilaalisa xuquuqda muwaadinka, iyo danta qaranka

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleShan arrimood oo haddii deg deg loo dhaqan-galiyo sii burburin doona Al-Shabaab
    Next Article Dowladda Kenya ‘oo ka laabaneysa’ go’aan ay socdaalka Soomaalida ka qaadatay 10 sano ka hor

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil loo geestay Cabdi Juusto iyo Sababtii ay u dileen

    March 11, 2023

    Al Shabaab ayaa wali qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ka wada dilalka ay u geesanayaan…

    Xilliga la qabanayo Shirweynaha Madaxda Afrika & Ruushka oo la shaaciyey

    January 24, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.