Carles Puyol Oo Magacaabay 4 Xul Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Koobka Adduunka

139

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Carles Puyol ayaa magacaabay 4 xul oo ugu cad-cad ku guulaysiga Koobka adduunka sanadkan ka dhici doona dalka Qatar.

Carles Puyol oo xulka Spain kula guulaystay koobka adduunka sanadkii 2010 ayaa si fiican u garanaya macnaha uu leeyahay ku guulaysiga koobka adduunka.

Puyol Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Koobka adduunku sanadkan wuu ka duwan yahay sidii hore, markii hore waxa la ciyaari jiray dhamaadka xilli ciyaareedka laakiin haatan waxa la ciyaari doonaa bartamaha xilli ciyaareedka sidaas darteed waan eegi doonaa waxa dhaca”.

Aniga ahaan xulka ugu cad-cad ku guulaysiga koobka adduunka waa xulka France sababta oo ah waxa uu haystaa xiddigo cajiib ah, waa xul dhamaystiran waxana ay horay u muujiyeen ku guulaysiga koobka adduunka”.

“Sidoo kale xulalka ugu cad-cad waxa ka mid ah xulalka Spain, Brazil iyo Argentina kuwaas oo leh tayo fiican iyo xiddigo heer caalami ah”ayuu sii raaciyay

Koobka adduunka ayaa la qaban doonaa bartamaha xilli ciyaareedka dambe iyada oo tartanka la qaban doono wakhti ka duwan wakhtigii la qaban jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here