Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa beeniyay wararka sheegaya in deegaannada uu u magacaaban yahay ay ka dhaceyso Doorashada Qof iyo codka ah ee Dowlad-Goboleedka Puntland.
Firdhiye ayaa diidmadiisa ku xoojiyay dhowr sabab oo kala ah: in aanay dadka ku sugan deegaannada SSC-Khaatumo u diiwaangashaneen Guddiga Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland iyo in ay yihiin 2-Maamul deris ah.
Shacabka SSC-Khaatumo ayuu Cabdulqaadir Firdhiye sheegay in ay hadda uun dhisteen maamulka uu hoggaamiyaha u yahay taasina ay muujineyso sida ay u doonayaan in ay yeeshaan maamul deris la ah oo la siman Dowlad-Goboleedka Puntland.
“Waxaan diyaar u nahay in aan ahaano laba maamul oo deris ah, maka dhici karto deegaannada SSC-Khaatumo Doorasho Qof & cod OO Puntland ah, uma diiwaangashna, Qarashkooda ma haystaan, go’aanka Isimada dhaqanka ay gaareen ayuun baa shaqeyn doonna” Ayuu yiri Cabdulqaadir Firdhiye oo ah hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Gobollada Sool & Sool ee maamulkoodu Hoggaaminayo Cabdulqaadir Firdhiye waxaa isku heysta Somaliland, Puntland iyo SSC-Khaatumo oo mid weliba uu si gaar ah isu lahaysiinayo Gobolladaas muddooyinkii dambe martigeliyay dagaallada.