Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Cabdiraxmaan Cirro “Dhibaato kasta oo dhacda, xalkeedu xabad & rasaas maaha, xalku waa wadahadal iyo nabadeyn.”
    Gudaha

    Cabdiraxmaan Cirro “Dhibaato kasta oo dhacda, xalkeedu xabad & rasaas maaha, xalku waa wadahadal iyo nabadeyn.”

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 6, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Musharax Madaxweynaha xisbigi Mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo ka hadlay dagaalka Aroornimadii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Gobolka ayaa ugu baaqay in la joojiyo Xabadda.

    Cabdiraxmaan Cirro ayaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi ugu baaqay in ay muujiso dulqaad iyo dhibrrsanaan halka Gaaradada dhaqanka ee ku sugan Magaalada Laascaanood qudhooda uu ugu yeeray in ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Xasilloonida.

    Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Fecebooka ayuu ku yiri “Waxa aan si dareen iyo damqasho leh uga xumahay dhibta saaka ka dhacaysa Caasimadda Gobolka SOOL ee Laascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda afka la qabto”  waa sida uu yiri Cabdiraxmaan Cirro

    Sidoo kale Musharax Madaxweynaha xisbigi Mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa Xukuumadda iyo Odayaasha Dhaqanka ugu baaqay in ay ka wada sheeqaan Nabadda “Xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan, Garaadada dhaqankuna nabadda iyo xasilloonida ha ka shaqeeyaan, magaaladana yaan dagaal laga ridin oo aan maatidana la qaxin.”

    Ugu dambeyn Qoraalka uu soo dhigay Cabdiraxmaan Cirro ayuu ku soo gabagabeeyay in si wada jir ah loogu wada shaqeeyo nabadda, xalkane uusan ku jirin Xabad “Dhibaato kasta oo dhacda, xalkeedu xabad iyo rasaas maaha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo nabadeyn.”

    Hadalka ka soo yeeray Guddoomiyihii hore ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani ahna hadda Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku soo beegmaya xilli Saaka Magaalada Laascaanood uu ka qarxay dagaal u dhaxeeyay Ciidan ka amar qaata Xukuumadda Soomaaliland iyo kuwa taabacsan dadka deegaanka.

    Dagaalka ayaa geestay Qasaare isugu jira dhimashao iyo dhaawac kaas oo soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay Magaalada, inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay todobo qof halka ay ku dhaawacmeyn in ka badan labaatan ruux.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDEG-DEG:- Garaad Jaamac oo dagaal ugu baaqay Beesha Dhulbahante
    Next Article Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Culimada Koonfur Galbeed kala hadlay Labo arrin

    January 20, 2023

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka…

    Qandaraaslayaal Dhismooyin oo lagu xir xiray Turkiga iyo kuwo kale oo la baadi goobayo

    February 12, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.