Cabdikariin Xuseen Guuleed Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay u marayaan howlihii loo xilsaaray ee wadahadalkaas quseeya.
Waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan isla markaana rejo fiican ay ka qabaan in lagu guuleysto sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka Somaliland ay sheeganeyso oo u baahan in si dhab ah looga xaajoodo.
Guuleed ayaa tilmaamay in aanay waxba iska baddelin wadahadalka iyo siyaasadda Dowladda Federaalka ay ku wajahayso arrimaha Somaliland sidaas awgeed xafiiskiisa uu xoogga saarayo sidii uu u saldhigi lahaa howlaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Wakiilka ugu yahay.
Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed Waxa uu dalbaday in lagu garabsiiyo sidii uu howshaan ugu guuleysan lahaa maadaama wadajirka Dadka ay fure u tahay.
“Ahmiyad aad u wayn ayay leedahay midnimada Dalka, Nimankaas walaalaheen Somaliland ah runtii gocasho aad u wayn u tabanayaan taasi oo ah mid xaq ama oo dhab ah, waxa ay u baahan tahay sidii aan ugu baabi’in lahayn tabashooyinkaas ay qabaan, waxa aan ka shaqeyneynaa sidii Soomaaliya ay dib ugu soo laaban lahaayeen” Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Waa uu sii hadlay Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha wadahadalka Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaana uu yiri: “Wax iska baddelay wadahadalka & Siyaasadda Dowladda Soomaaliya ay ula dhaqmaysay Somaliland ma jiraan”.
Mas’uuliyiin katirsan Somaliland ayaa cabasho ka muujiyay go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ay maamul Kumeel-gaar ah ugu aqoonsatay SSC-Khaatumo