Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa baaq nabadeed u jeediyay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Ugu horreyn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa baaqiisa ku bilaabay gabaygii uu tiriyay Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumad Amiin kaas uu kaga hadlayay Taariikhda, meerisyadiis ay ka mid ahaayeen “Taariikhdu dadkey bartaa, dorraad waxa ay faleyn. Cidna maddiido, cidna maddoonto, oo runta ayee dacalka ku heysaa; dadow dadow”

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa tusaale ugu soo qaatay raadka uu dagaalka ku reebay dadka Soomaaliyeed isaga oo sheegay, dagaalka socda maanta in aan marnaba lagu liibaaneenin balse uu horseedayo dib u dhac iyo barakac ayaa xusay in uu aad uga xun yahay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Xukuumadda Soomaaliland in ay ku qaldaneed in xabado lagu furto dad shacab ah oo Bannaanbax sameenaya, isaga oo ugu baaqay in la joojiyo xabadaha lagu furayo dibad baxyaasha.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool deegaannada Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood in ay joojiyaan mudaahaaradyada wax burburinaya, kuwaas oo liddi ku ah Nabadda, xusay in aysan fiicneen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa labada dhinac ugu baaqay in ay wada fadhiistaan miiska wada hadalka six xal looga gaaro heshiis iyo is-afgarad. “Soomaaliyeey danta Dalka iyo dadka waxa ay ku jirtaa nabad ku wada noolaasho, meelkasta oo khilaafi ka jiro guud ahaan Soomaaliya waxa aan ugu baaqayaa in xalka uu ku jiro wada hadal iyo heshiis” sida uu halkiisa ku soo gabagabeeyay.

Magaalada Laascood ee Gobolka Sool waxaa ka socda dibad baxyo salka ku hay dil magaalada loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Waddani