BUUNDADII JALALAQSI OO DUNTEY

32

Maxaa lagu iloobay jalalaqsi?

Magaalada jalalaqsi ee dhacdo koofurta gobolka hiiraan waxeey in badan dhibane u aheeyd maamul xumo, abaaraha dalka ka jiro, fatahaado, iyo dagaalada u dhaxeeyo ciidamada dowlada iyo kuwa al shabaab.

Wadooyinka muhiimka u ahaa magaalada ee muqdisho iyo beled weyne ayaa dhamaantood xirmay, waxa aayna magaalada ku jirtaa xaalad adag dhaqaale ahaan.

Waxaa Intaas ugu sii darsamay dayac ku yimid wadooyinka magaalada, xarumaha danta guud iyo meelaha nolosha magaalada muhiimka u ah sidda buundada jalalaqsi.

Dhismihii buundada ayaa gaaray raabuqay, si iskiis ahna iskaga dumay, waxeeyna sababtay in aay joogsadaan gawaaridii isticmaali jirtay ee labada daan ee magaalada u kala gooshaayay.

Maamulka gobolka hiiraan ee uu hoggaamiye cali jeeyte oo ku fashilmay wax ka qabashada baahiyaha hiiraan ayaan arrinkaan xitaa ogeeyn!!

Maalin walbo cali jeeyte iyo maamulkiisa waxeey dadka reer hiiraan ka qaadaan kumanaan dollar oo canshuuro ah, lkn waxba uma qabtaan, xitaa waxii nolosha aadanaha muhiimka u ahaa xil iskama saaraan.

  1. Waxaa habboon in waxgaradka, xildhibaanada deeggaanka matalo, iyo dhallinyarada reer jalalaqsi u istaagaan sidii maamulka fashilmay ee cali jeeyte loo xasuusin lahaa waajib gudasho la’aantiisa.

Radio halgan live tv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here