Ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhigga Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa qabtay koox burcad hubaysan ah oo watay Moota Bajaaj isla Markaana falal dhac ah ka geysanayey xaafadaha Degmada Yaaqshiid.

Shacabka degmada Yaqshiid ayaa booliiska u gudbiyay xogta burcada hubeesan ee dadka dhaca u geesanayay, waxaana goobta ay kooxdaasi falka baarashada ka wadeen degdeg usoo gaaray ciidamo katirsan booliiska oo gacanata ku dhigay burcadaasi.

Ciidanka ayaa kooxdaan burcadka oo watay hub iyo sidoo kale adeegsanayay mooto nuuca bajaajta ah ayaa si gaar ah kaga qabtay xaafadda Kooka-koola ee katirsan degmada Yaaqshiid.

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir waxa uu Shacabka caasimada uga Mahadcelinayaa sida ay markasta ula shaqeeyaan ciidanka Amniga.

 

Booliiska gobolka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah burcada hubeesan, waxa ayna siyaabo kala duwan booliiska Muqdisho iyo duleedkeeda ugu qabteen burcad dhac u geesaneysay dad shacab ah.