Beledweyne Radiohalgan.com

Gudoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Cabdulle iyo isku duwaha Maaliyadda Gobolka Hiiraan Ciiloow Jobane ayaa lunsaday lacag aad u farra baddan kadib markii ay masuq iyo boob kulla ku sameeyeen Canshuurta Gobolka .

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Gobolka oo ay xariir hoose la sameysay Radio Halgan ayaa xaqiijiyay in lunsadeey lacago farabadan oo Canshuur Gobolka Hiiraan ah.

Musuq-Maasuqa Gobolka Hiiraan ku hayaan labadaan nin majirto cid la xisaabtanto oo Gudoomiye Cali Jeyte waxa ay u shegaya Marna in la waayo marna in hello Lacgata Canshuur oo waxa ay leeyihiin mabba aan arkin dhowr maalin Gaari amma meel aan caanshuurno waxaa jirro suuq xumo weyn waxa ayba ka dhigeen Dabakaayo suuq xumo ku dhacay.

Dhanka kale Ciidanka Dib-u-xoreynta Macawiisleeyda Hiiraan oo Furimaha dagaalka ku jiro inta badan waa qadan oo mahellam wax ay cunnaan in wax laga siiyo Canshuur Gobolka iska daaye.

Ugu dambeyn Xasan Cabdulle iyo Ciiloow Jobane ayaa Acc Gaar ah ka furtay Dahabshiil iyo Salama Bank si lacagta Dadweynaha laga qado Canshuur ah ugu shubtaan sidoo kalle wariyaasha ka howlgala Magaalada Beledweyne wax yar oo shaac shaac ah ka siiyo caanshuurta si aan wax loga qorin sidaas wax u xaqiijiyay RadioHalgan mid ka mid wariyaasha Gobalka Hiiraan.

Majirto jid caafimaad amma adeeg bulsho oo ay soo bandhigeen maamulka Gobolka Hiiraan waa leyska cunnaa manna jirta cid laxisaabtami karto kii hadalka badiyo amma yiraahdo meeye lacagtii Caanshuurta Gobolka waa la dillaa amma xabsi ayaa ladhigaa.