Boqortooyada Ingiriiska: 3 xaaladood oo UK gilgilay balse ay xal u heshay boqorad Elizabeth

121

Isuucan boqortooyada Ingiriiska waxay u dabaaldagaysaa sanad guuradii 70-aad ee kasoo wareegtay markii la boqray Elizabeth II, oo qofka uu ku tiirsan yahay qaranka islamarkaana xuddun u ahayd isbaddallo waaweyn oo dalka ka dhacay muddadii toddobaatanka sano ahayd.

“Isbaddalku wuxuu noqday mid joogto ah, maareyntiisuna waxay noqotay dabeecad isasoo taraysay,” ayay tiri mar ay boqoradda khudbad ka jeedinaysay xafladdii loo sameeyay 50 guuradii kasoo wareegtay boqortooyadeeda oo dhacday 2002-dii.

Waxay xilligaas qirtay inay isu aragtay qofka waddankeeda hogganaka u hayay xilliyo adag oo ay soo mareen.

Haddaba maxay ahaayeen marxaladihii ay soo wajahday Elizabeth II ee ay ku guulaysatay in ay maarayso?

1. Dhammaadkii awoodda boqortooyada

Sanadkii 1953-kii, iyadoo 27 sano oo kaliya jirta ayaa Elizabeth loo caleema saaray inay tahay boqoradda UK, xilligaas oo laga soo kabanayay burburkii ka dhashay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Waan ka baxnay nidaamkii boqortooyada dhul ballaarsiga iyo gumaysiga samaynaysay, waxaan qaadannay heshiisyo micno u leh xiriirkeenna aan la leenahay dunida inteeda kale,” ayay tiri, iyadoo sidoo kale taageero u muujisay iskaashiga waddamada dhaqaalaha ku hormaray.

Inkastoo dad badan ay u arkayeen in dhismaha ururka uu calaamad u ahaa hoos u dhaca galaangalkii Britain ay ku lahayd dunida, haddana Elizabeth II waxay ku adkaysatay sida ay ula dhacsanayd aasaasidda ururkaas caalamiga ah ee dalalka dhaqaalaha ku hormaray.

“Aragtidan cusub ee sinnaanta dalalka iyo jinsiyadaha waxaan u huri doonaa naftayda inta aan noolahay oo dhan,” ayay ballan qaadday.

Erayadaas Elizabeth II waxay hoosta uga xariiqday in boqortooyada iyo waddankeedaba ay u baahnaayeen inay la qabsadaan marxaladda xasaasiga ah ee dagaalka kaddib ahayd, waxayna aqbashay in uu soo dhammaaday waayihii gumaysiga.

Waxaa halkaas kusoo afjarmay saamayntii xoogga badnayd ee UK ay ku lahayd inta badan dunida, xilligaas wixii ka billowdayna waxaa xorriyad qaatay dhammaan dalalkii ku hoos jiray gumaysiga Ingiriiska ee u badnaa qaaradda Afrika.

Hase yeeshee, waqtigii ugu horreeyay ee boqortooyadeeda waxa uu kusoo aaday xilli ay jireen xiisado bulshada dhexdeeda ah oo ku aaddanaa qulqulkii dadka soo galootiga ah ee ka imaanayay waddamadii ay horay u gumaysan jirtay boqortooyada Ingiriiska.

2. Xasaradihii gudaha dalka

Sannadihii 1970-meeyadii, boqoradda oo ahayd madaxa dowladda iyo hoggaanka militeriga Britain waxa ay ku darsatay doorka hoggaanka qaranka xilli ay Britain wajahaysay dhibaatooyin.

1974-kii, Britain waxay lugaha la gashay mowjado hubanti la’aan ah, xilligaas oo ay jirtay xasilooni darro siyaasadeed oo hor jeedday in la qabto labo doorasho oo guud. Waddanka ayaa sidoo kale la kulmay olole weerarro ah oo uu dhiig ku daatay oo ay gaysanayeen xoogagga loo yaqaannay Irish Republican Army (IRA).

“Waxaan maqalnaa waxyaabo badan oo ku saabsan dhibaatada, ku saabsan hubanti la’aanta mustaqbalkeenna, farriintaydu maanta waa inaan dhiirrigelinayo dadka rajana qabno,” ayay tiri xilligaas.

Britain ayaa markaas waxaa sidoo kale ka dhacay hoos u dhac dhaqaale oo sababay in shacabku ay waddooyinka ku mudaharaadaan.

3. Fadeexooyin iyo musiibooyin

Sanadkii 1992-kii, Elizabeth II waxay goob joog u ahayd in munaasabadda sanad guuradii 40-aad ee kasoo wareegtay bilaabashada boqortooyadeeda ay hareeyeen wararka ku saabsan guurka labo ka mid ah carruurteeda oo muddo bilooyin ah la ceebeynayay, si waynna ay afka ugu hayeen wargaysyada afka dheer ee xiiseeya wararka xasaasiga ah.

Intaas kuma aysan ekeyn arrintu ee waxaa sii dheereyd musiibo kale. Dab aad u xooggan ayaa burburiyay qaybo ka mid ah dhismaha Qasriga Windsor ee ku yaalla duleedka magaalada London, oo ah halka ay daggan tahay boqoradda.

Hase yeeshee dhibaatadii ugu waynayd ee ay wajahday boqoraddu wali ma aysan imaanin markaas. Taasna waxay ahayd geeridii Princess Diana, oo ahayd xaaskii wiilkeeda curadka ah, dhaxalka boqortooyadana leh, Charles.

Diana ayaa ku geeriyootay shil gaari oo sanadkii 1997-kii ka dhacay magaalada Paris ee waddanka Faransiiska.

Dhacdadaas ayaa albaabka u furtay mowjado dhaleeceyn ah oo loo jeedinayay qoyska boqortooyada.

Inta badan weerarradaas waxaa si toos ah loogu waday boqoradda lafteeda, oo dadka ugu caansan Britain ay ka dalbanayeen inay qaranka la qaybsato xanuunka.

Markii hore, boqoradda iyo xubnaha ku dhow waxay ku nagaadeen gurigooda ku yaalla Scotland ee ay dhaqan ahaan ugu soo qaadato waqtiga xagaaga.

Elizabeth II waxay dhagaha ka furaysatay wicitaannada, oo qaar xitaa ay uga imaanayeen Ra’iisul Wasaarihii xilligaas ee Britain, Tony Blair, oo ka codsanayay inay shacabka la hadasho.

Lix maalmood kaddib geerida haweeneydii loo yaqaannay “Amiiradda Shacabka” boqoradda ayaa kusoo laabatay London, waxayna khudbad u jeedisay qaranka iyagoo xiran dharka tacsida ee midabkoodu madowga yahay..

Maanta 81% ka mid ah dadka reer Britain waxay qabaan fikrad ay ku taageersan yihiin boqorad Elizabeth II, sida lagu sheegay daraasaddii ugu dambeysay ay samaysay hay’adda cilmi baarista ee Yougov.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here