Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay Ciidamo aad u farabadan geeyeen degaannadii dhawaan labada Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamaeen ee aaga degmada cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodisho ayaa sheegay in kadib howlgallo ay ka sameeyeen degaannadii lagu dagaalamay ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah maleeshiyaadkii ku dagaalamay tuulooyinka hoostaga degmada Cadalle iyo hubkooda.
Wuxuu sheegay in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ammar u qabaan inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo wada hurinta colaada iyo khalqal gelinta amniga degaannadii lagu dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannaii lagu dagaalamay ee hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay socdaan kulamo xal looga gaarayo colaadaas