Ciidanka Booliska qeyta guud ee gobalka Banaadir gaar ahaan saldhiga boliiska Kaaraan oo hawgal ka sameeyey deegaanka Gubadley ayaa gacanta ku soo dhigay haweenay laba dumar ah oo la dagnaa ku dishay mindi galinkii dambe ee shalay.

Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri, “Taariikh11 /11/2023  abaaro 06:15 PM  ayaa howl gal ay sameeyeen ciidan Qeyta Guud ee Gobalka Banaadir  gaar ahaan saldhiga boliiska kaaraan waxaa ay  gacanta ku soo dhigeen eedeysane gacan ku dhiigle oo dishay laba muwadin.”

Sidoo kale warka ka soo baxay Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in haweenaydaan ay dilka u adeegsatay Mindi, waxa ayna sheegeen in ay ku socoto baaris, “Waxa ay dilka ku geysatay mindi waxaana ku socoto baaris, waxaana la hor geyn doonaa cadaalada.”

Warka ka soo baxay Ciidanka Booliska qeyta guud ee gobalka Banaadir laguma sheegin magaca eedeysanaha iyo marxuumiinta lagu dilay deegaanka Gubadley ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Haweeneyda dilka geystay ayaa la sheegay in ay la degneed guriga labada dumar ee ay dishay, waxaana la sheegay ka hor inta aysan dilin uu khilaaf soo kala dhexgalay, taas oo markii dambe sababtay in haweenaydaan ay dishay laba ka mid ah xubnaha guriga la degnaa.

Share.

Leave A Reply