Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey sawirada iyo magacyada askar laga eryey shaqada ciidankaas.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in labada askari ee shaqada laga saaray ay ku kaceen falal anshax xumo ah.
Maanta oo Taariikhdu tahay 23/05/2023 Waxaa lagu wargalinayaa Hay’adaha Amaanka Caasimadda iyo shacabka ku nool, in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed laga ruqseeyay labada askari oo magacooda iyo sawirkooda hoos ku xusan yihiin, ayadoo loo cuskanayo xeerka Ciidanka Boliiska, kadib markii ay ku kaceen fal akhlaaq-daro iyo anshax xumo ah, ayna jabiyeen waajib diini ah kadib markii ay maalin soon ah bulshada dhaxdeeda balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cuneen , ayadoo aysan jirin sabab Caafimaadaro.