Booliiska Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaaxida Blue SKY waxaana dadka ku dhintay kamid ah AHUN Agaasimihii Xafiiska Muqdisho ee Teleefishinka Somali Cable Cabdifitaax Macalin Nuur Qays.

Warsaxaafadeedka Booliiska ayaa lagu sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarkaan uu fuliyay qofka isku soo xiray walxaha qarxa ay ku dhaawacmeen Dad gaaraya 4 ruux oo kale oo dhammaantood ku sugnaa maqaaxida qaraxa uu ka dhacay oo ay kuwada shaahayeen.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraxa ismiidaaminta ah kaddib waxa ay sameeyeen howlgallo xooggan oo ay ku baarayaan xogaha iyo macluumaadka dheeraadka ah ay ugu baahan yihiin in ay ka ogaadaan qaraxaas.

AHUN Cabdifitaax Macalin Nuur Qays oo Maydkiisa la dhigay Mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho ayaa maanta aas loo sameynayaa sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen xubno katirsan ehelkiisa iyo Guddiga u xilsaaran qaban-qaabada aaskiisa.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii isbaddel muuqda ka jiray iyada oo ay baaris xooggan ay wadaan ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo baaraya Gaadiidka iyo Dadka la socda si looga hortago qaraxyada & weerarrada ‘AS’ geysato.

Share.

Leave A Reply