Dowladda Bolivia ee dhacda Bartamaha Koofurta Ameerika ayaa ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Maamulka Israaiil kaddib markii ay kordhiyeen weerarrada gardarrada ah ee ka dhanka ah Shacabka Dulman ee Falastiin.
Wasiir ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Bolivia ayaa Freddy Mamani ayaa sheegay in go’aankaan uu yahay mid la isaga jarayo dhibaatada daba socota xasuuqa Yuhuuddu ay ka geysaneyso Magaalada Gaza.
Si loo muujiyo tallaabadaas waxa ay Dowladda Bolivia u yeertay Danjirihii ka joogay Tel Aviv si loo dhaqangeliyo go’aanka Xukuumadda La Paz sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalkaas oo Warbaahinta la hadlay.
Bolivia ayaa dhabbahaan ay martay waxaa sidaas oo kale raacay Dalka Chili oo isla Koofurta Ameerika dhaca oo waxa uu Madaxweynaha Dalkaas Gabriel Boric Fonts cambaareeyay xasuuqa Israaiil geysaneyso isaga oo u yeeray Danjirihii Tel Aviv ka joogay.
Israaiil ayaa kordhisay xasuuqa ay ka geysaneyso Magaalada Gaza kaddib markii ciidankeeda ay jab xooggan kala kulmeen Xamaas oo kasoo qafaalatay Maxaabiis u badan Ciidan kuwaas oo lagu soo qabtay howlgalkii dhacay 7dii Oktoobar 2023.
Yuhuudda ayaa xusuuqii ugu xoogganaa ka geysatay Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Gaza 17kii Oktoobar 2023 kaddib markii gantaal culus oo ay ku dhufatay ay ku dhinteen in ka badan 500 oo ruux oo rayid ah iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.
Israaiil, Mareykanka iyo Dalal kale oo xulufo la ah ayaa isku dayay in ay raad baabi’iyaan oo gantaalkaas dusha ka saaraan dhinacyada hubeysan ee Falastiin balse waxaa bannaanka xogtaas soo dhigay Dalalka Turkiga & Ruushka oo keenay caddeymo dhammeystiran.