Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ee Puntland Ayaa saxaafada usheegay inay gacanta ku dhigeen gurmad usocday dhinaca Soomaaliland oo dagaalka laascaanood ku wajahnaa,isagoo dhanka kale sheegay in ay dagaalka iyagu qeyb ka yihiin.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in ay baaris gaar ah ku sameyn doonaan,gaari walbo oo deegaanada gobolka soo gala ee doonaya inuu sii gudbo.
“Saaka Muuse waxan leenahay hubka aad gadatay ee Naftaada iyo Maalkaaga aad siisatay waynu qabanay,sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland”
Ma jirto war kasoo baxay dhinaca Soomaaliland oo ay kaga hadleyso warkaan kasoo yeeray Puntland oo ah in gaari candho meydle ah oo hub gurmad ah usiday ciidankooda dagaalka ku jira laascaanood lagu qabtay degmada Buuhoodle.