Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Madaxweyne ku guuldarraystay in dib loo soo doorto oo Visa ka dalbaday Mareykanka
    Dibadda

    Madaxweyne ku guuldarraystay in dib loo soo doorto oo Visa ka dalbaday Mareykanka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 31, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynihii hore ee waddanka Brazil Jair Bolsonaro ayaa dalka Mareykanka ka dalbaday dal ku gal dalxiis oo lix bilood ah, qareenkiisa ayaa sidaas u sheegay BBCda.

    Mr Bolsonaro ayaa ku sugnaa gobolka Florida tan iyo 30-kii bishii Diseembar.

    Madaxweynihii hore ayaa qorshaynaya in Mareykanka uu sii joogo inta saraakiisha socdaalka ee Mareykanka ay ku howlan yihiin dal ku galkiisa.

    Baaritaan ayaa kaga socda gudaha waddanka Brazil kaddib markii horraantii Bishan dad qulqulato waday ay weerrareen dhismooyin muhiim

    Mr Bolsonaro ayaa sheegay inuu “ka xun yahay” deganaanshiyo la’aanta, hasayeeshee waxa uu diiday inuu isagu ka dambeeyay.

    Madaxweynahan hore ayaa “34 sanadood oo ka mid ah noloshiisa waxa uu u hibeeyay adeegga bulshada” waxaa uu “jeclaan lahaa inuu helo waqti uu ku nasto”, waxaa sidaas bayaan ugu sheegay BBCda Bolsonaro qareenkiisa, Felipe Alexandre.

    Mr Bolsonaro ayaa bilowgii hore Mareykanka ku galay dal ku gal-ka A-1 ee la siiyo diblumaasiyiinta iyo madaxda dalalka, kaas oo ku eg muddo 30 maalmood ah. Waxa uu Mareykanka tegay ka hor inta aanan kowdii Janaayo la caleema saarin ninka xilka kala wareegay ee xisbiga garabka bidix, Luiz Inácio Lula da Silva.

    Bolsonaro ayaa looga guuleystay doorashadii ka dhacday Brazil oo uu ku doonayay in dib xilka loogu doorto.

    Madaxweynahan hore ayaa rajanaya in “uu muddo bilooyin ah ku damaashaado dalxiiska Mareykanka ka hor inta uusan go’aansan waxa ay noqon doonto tallaabada xigta ee uu qaadayo”, sida uu sheegay Mr Alexandre, kaas oo u shaqeeya shirkadda AG Immigration, oo ah shirkad sharci oo ka shaqeysa socdaalka.

    “Saraakiisha socdaalka ee Mareykanka ayaa Jimcihii la soo dhaafay helay codsiga Mr Bolsonaro ee dal ku galka dalxiiska ee B1/B2,” ayuu yiri Mr Alexandre.

    Siddeeddii Janaayo, kumannaan qof oo ka tirsan taageerayaasha madaxweynihii hore ayaa weerraray dhismooyinka dowladda federaalka ee ku yaal magaalada Brasília kaddib markii Bolsonaro loogaga adkaaday doorashadii guud ee la qabtay 2022.

    Mr Bolsonaro ayaa wajahay dhaleecayn ku aaddan qulqulatooyinka iyadoo dibadbaxayaashu ay ku andacoodeen sheegasho aanan cadayn loo hayn oo ah inay jirtay wax isdabamarin dhanka doorashada ah, inay ciidamada ammaanku ka gudbeen xayndaabka iyo inay xoog ku galeen qasriga madaxtooyada Brazil, Koongareeska iyo Maxkamadda dalka ugu sarraysa.

    Hogaamiyahan hore ee garabka midig – oo lagu naanayso “ninkii lahaa habdhaqanka Donald Trump” maadaama uu xiriir dhaw la lahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka – ayaa ku sugnaa guriga uu gobolka Florida ku leeyahay ciyaartoygii hore ee dagaalka karateega noocyada kala duwan leh, José Aldo.

    Taageerayaasha Bolsonaro ayaa ku qulqulay gurigaas oo ku dhex yaal deegaanka Kissimmee, ee Florida, iyadoo gobolkaas ay ku nool yihiin shan meelood oo meel dadka Brazil ee deggan waddanka Mareykanka.

    Qareennada Xisbiga Dimuqraadiga ee ku sugan magaalada Washington DC ayaa si gaar ah u eegaya arrinta joogitaanka Mr Bolsonaro ee Mareykanka. Warqad la diray horraantii bishan ayaa tobannaan ka mid ah qareennadaasi waxa ay Madaxweyne Joe Biden uga codsadeen in “meesha laga saaro” dal ku galka diblumaasi ee Mr Bolsonaro.

    “Mareykanku waa in uusan gabbaad u noqon ninkaasi, ama qof kasta oo si adag wax ku maamula kaas oo dhiiirrigeliyay qulqulatada noocaas oo kale ah in lagula kaco hay’adaha dimuqraadiga ah,” ayey qoreen.

    Mr Alexandre ayaa wargeyska Financial Times Isniintii u sheegay in Mr Bolsonaro “uusan wax mas’uuliyad ah ku lahayn” qalalaasaha

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWararkii Ugu Dambaysay Ee Heshiiska Enzo Fernandez Ee Chelsea
    Next Article Muxuu yahay tartanka Mo Farah uu wadnaha farta ugu hayo?

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    DEG DEG hadda waxaa Laascanood laggu dillay Mohamud Ali Saadle

    January 4, 2023

    Laascanood Radiohalgan Ciidanka Somaliland ee kusugan Laascaanood ayaa goor dhaw toogtay Mohamud Ali Saadle oo…

    Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Amiirka dalka Qatar?

    March 5, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.