HomeArrimaha BulshadaBeelweynta YM ayaa maanta marti qaad si heer sare ah u sameeyeen...

Beelweynta YM ayaa maanta marti qaad si heer sare ah u sameeyeen Ugaaska Beelaha Xawaadle (Sawirro)

 

Nairobi(Halgan.online)-Waxaa maanta 21/5/2023-ka magaalada Nairobi Guriga Guddoomiyaha Jaaliyadda Kenya Mudane C/qaadir Sh. Muumin ka dhacay marti qaad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Belweynta Yaber Madaxweyne u sameeyeen Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

 

Martiqaadka Ugaaska ayaa waxaa sidoo kale lagu sharfay inay ku wehliyaan odayaasha Beelweynta Xawaadle ee ku dhaqan magaalada Nairobi.

Munaasabaddaas oo hadalla soo dhaweyn ugaaska, qada sharaf iyo hadiyado qiima badan isugu jirtay ayaa waxaa ka hadlay waxgaradka beesha gogosha fidisay iyo sidoo kale odayaashii ka soo qeyb galay, waxaana laga soo jeediyay hadallo munaasabadda ku wajahnaa iyo sidoo kale duca iyo in la xoojiyo midnimada beesha iyo sidoo kale kor u qaadidda wacyiga bulshada iyo kan degaanada beesha oo loo istaago horumarin in laga sameeyo.

Gunaanadkii munaasabadda oo uu soo xiray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa wuxuu ku soo qatimay duca iyo dardaaran la xiriira isku duubnaanta beesha iyo midnadeeda, iyadoo jawiga casumaaduna ahaa mid aad u farxad badan, kuna soo dhamaaday guul.

Must Read

spot_img