Barcelona Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Gavi, Maxaa Cusub?

142

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay in heshiis kordhinta Gavi uu dhow yahay. “Waxaan ku dhownahay inaan heshiis la gaarno Gavi,” ayuu ku sharraxay intii lagu jiray kulan uu la yeeshay taageerayaasha Asturia iyo Cantabria.

 

Xiddiga khadka dhexe ayaan wali qalinka ku duugin heshiis cusub xilli uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doono sanadka 2023.

“Waxaan rajo ka qabnaa in aan heshiis cusub ka saxiixano”ayuu sii raaciyay Laporta.

Waxaan rabnaa inuu Gavi joogo. Ciyaaryahanka iyo wakiilkiisa ayaa sidoo kale doonaya”.

Xiddiga da’yarka ah ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Liverpool todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo ay doonaysay in ay bixiso lacagta lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here