Qoysas badan ayaa ka barakacay deegaanno dhowr ah oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Jubbaland kaddib markii ay cabsi xooggan ay ka muujiyeen saameynta taban ee kasoo gaari karta Daadadka Roobka iyo Fatahaadda Webiyada Jubba & Shabeelle.
Sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo u xog-warramay Mustaqbal Media, Saacadihii u dambeeyay boqolaal qoys ayaa isaga baxay Magaalooyinka Baladweyne oo Gobolka Hiiraan ah iyo Luuq oo katirsan Gobolka Gedo oo waxaa ku rogmaday daadad ka dhashay roobka Dayrta.
Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa xaalad feejignaan sare ah laga galay deegaannada muddooyinkii dambe fatahaadda iyo daadadka roobka saameynta taban ku reebi jireen si aanay dadku halkaas go’doon ugu gelin.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa digniin ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in dadka ay ugu baaqeyso in ay ka fogaadaan meelaha halista badan ka dhalan karto gaar ahaan goobaha ay maraan Webiyada iyo Biyaha Roobka.
Arrintaas ayay ku sifeysay in looga fogaanayo saameynta halista badan dhalin karta ee Dadka kasoo gaari karta haddii aanay feejignaan iyo taxadar dheeraad ah ka muujin daadadka iyo fatahaadda Webiyada sida hadalka loo dhigay.
La soco wixii kasoo kordha