Baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay dagaal Magaalada Jowhar ku dhexmaray Ciidamada Kumaandooska ee Gaarka u tababaran ee DANAB & Ilaalada Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka billowday Magaaladaas.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Jowhar waxaa xubno katirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay billaabeen baaris ku saabsan sidii ay u ogaan lahaayeen xogta dagaalkaas.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Taliska Ciidanka Xoogga & Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida lagu faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo baaraan si loola xisaabtamo cidda qaadaneysa mas’uuliyadda wixii ka dhacay Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo goor sii horeysay la hadlay Warbaahinta ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in arrintaan si dhammeystiran ay u baarto si loo helo cid qaadata mas’uuliyadda wixii dhacay.

 

Share.

Leave A Reply