Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ugu baaqay in ay dabagal ku sameeyaan Saraakiisha iyo Wasiirrada doorka ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaaab ee ka socda dalka.
Axmed Madoobe oo ku hadal qabsanaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Saraakiisha ku jirta dagaalka ay mudan yihiin la dalacsiiyo kuwa ka soo baxay kaalintooda halka kuwa ka gaabiyey hawgalka uu sheegay in looga baahan yahay in shaqada laga eryo.
“Madaxweynow Saacadda Dagaalka markii lagu jira Sarkaalka mid la dalacsiiyo iyo mid la toogto ayuu noqdaa, mid la eryo iyo mid shaqada loo sii kordhiyo ayuu noqdaa, Golaha Wasiirrada haddii aad dib ugu laabataan yaa dagaalka saameyn ku leh iyo yaan ku lahayn hala yiraahdo. Wasiiro badan oo aan hadhaw dhaqdhaqaaqi karaynin waan ka taqalusi doonna,” Madaxweyne Madoobe.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo xusay in taakulada ay uga baahanyihiin uu u balan qaaday.
Axmed Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Siyaasiga Soomaaliga ah ee doonaya Siyaasadda in ay ku qiimeeyaan doorka ay ku leeyihiin dagaalka ay dowladda kula jirta Al-Shabaab kaas oo hadda ka socda qaar ka mid ah Gobollada dalka.