Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa waxay sheegtay inay Askarta Israel ay khamiistii shalay toogasho ku dileen Aabe Falastiini ah oo ku sugnaa Xerada Qaxootiga ee deegaanka Qallandiya oo dhanka Waqooyi kaga toosan magaalada Quddusta La-hayato.

Aabaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Samiir Awni Xarbi Aslan oo 41 jir ahaa,  kaasi oo u geeriyooday rasaas ay Askarta Israel kaga dhufteen Laabta.

Wakaallada Wararka Falastiin ee WAFA ayaa waxay sheegtay in Marxuumka Marxuumka dilay, xilli uu doonayey inuu Wiilkiisa Wiilkiisa ka badbaadiyo Askarta Israel oo kaxayaan lahayd.

Dhanka kale, Askarta Israel dileen waxay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay dileen 3 Muwaadin oo Reer Falastiin ah. Arbacadii ayey ahayd markii ay dileen Marxuumiinta lagu kala magacaabi jirey Axmed Amiir Abu Janayd oo 21 jir ahaa iyo Sanad Maxamed Samasra oo 19 jir ahaa.

Sanadkii hore, Tirada Guud ee ay Askarta Israel dileen waxay baarayaan 224 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaasi oo 59 ka mid ah lagu dilay magaalladda Jeniin ee Wsqooyiga Daanta Galbeed ee Dhulalka La-haysto ee Falastiin.