Haween ka tirsan askarta Israa’iil ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir galmo la sameeyeen maxbuus falastini ah.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in askariyaddu ay qiratay in ay xiriir galmo la sameysay maxbuus nin ah oo Falastiini ah, kadib markii lagu soo qabtay fal ay dad ku dhinteen oo uu geystay.

Haweeneyda ayaa la sheegay inay hora yuga soo tirsanayd milatariga Israa’iil, taas oo ay inta badan soo maraan Israa’iiliyiintu. Haweenka ayay qasab tahay inay ciidanka la shaqeeyaan 24 bilood, halka raggana laga doonayo 32 bilood.

Magaca askariyadda iyo maxbuuska ku xukuman xabsi daa’inka ayaan la shaacin.

Maxkamad qaadeysay qiiskaan ayaa amar ku bixisay in faaffaahin la xariirta arrrintaan sida Meesha u uku yaallo xabsigu iyo wixii lamid ah aan banaanka loo bixin Karin.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in intii su’aalo waydiinta askariyadda lagu guda jiray ay sheegtay in afar haween oo kale oo askar ay sidoo kale xiriir galmo la sameeyeen isla maxbuuska.

Maxbuuska Falastiiniga ah ayaa laga badalay halkii uu ku jiray sida ay sheegeen Waaxda Xabsiga ee Isra’iil, isaga oo la geeyay goob gooni ah ka hor inta aan su’aalo la waydiin.

Jimcihii ayaa madaxa Waaxda Xabsiyada ee IPS Katy Perry iyo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir waxay sheegeen in haweenka askarta ah aysan mar dambe waardiye ka noqon doonin xabsiyada amnigooda aadka loo ilaaliyo ee lagu hayo maxaabiista Falastiiniyiinta.

Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganeysa Itamar Ben-Gvir ayaa sheegay in waxa loo gaaro bartamaha sanadka 2025 ta aysan jiri doonin haween askar ah oo ka shaqyan doona xabsiyada Israa’iil.

Horay waxaa jiray baaqyo ku aadan in haweenka laga joojiyo inay qayb ka noqdaan amniga xabsiyada. Si kastaba, arrintaan ayaan dhag jalaq loo siin sababo la xariira ciidan yari jirta oo keentay inaan la helin askartii badali lahayd.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa xukuumadda Israa’iil waxay amartay in baaritaan lagu sameeyo kadib fadeexad ka dhacday xabsiyada, taas oo la sheegay in Falastiin dambiilayaal ah ay kufsadeen dhibaatana u geysteen haween askar ah oo ilalinayay xabsiga, qaar kamid ah saraakiisha sarsare ee xabsiguna ay si qaldan uga faa’iideysteen haweenka amniga maxaabiista ka shaqayneyay.

Masjidka ay isku haystaan Falstiin iyo Israa’iil

Al-Aqsa waa magaca “qeybta sare ee qalinka ah” wuxuuna masaajidka ku yaallaa dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaannaan masjidu al-Xaram al-Sharif, halka Yahuuddana ay u garanayaan Macbad.

Waxaa sidoo kale hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhiim ah.

Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa’iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.

Balse khilaafka ka taagan goobtan barakeysan ayaa muddo dheer soo jiray xitaa ka hor inta aan la asaasin Israa’iil.

Sanadkii 1947, Qaramada Midoobey ayaa soo saartay qaraar lagu kala goynayay Falastiin oo markaasi hoos imaanaysay gumeystihii Ingiriiska.

Qorshahaas ayaa soo jeediyay in Falastiin laba dal laga dhigo, oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin.

Israa’iil ayaa la siiyay boqolkiiba 55% halka 45% hartay la siiyay Falastiiniyiinta.

  1. Magaalada Qudus oo ah goobta uu ku yaallo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa waxaa gacanta ku haysay beesha caalamka waxaana maamulaysay Qaramada Midoobey.

Waxaa meeqamkaas loo siiyay muhiimadda diimeed ee ay leedahay magaalada.

Dagaalkii cCarabta iyo Israa’iil ayaa qarxay sanadkii 1948 ka dib markii Israa’iil ay ku dhawaaqeen in ay dal yihiin isla markaana ay qabsadeen 78% dhulkaasi intii hartayna oo kala ah Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Gaza waxay hoos imanayeen Masar iyo Urdun.

Israa’iil ayaa xoojisay boobka dhulkaasi sannadkii 1967, ka dib dagaalkii labaad ee Carabta iyo Israa’iil markaasi oo ay isku sii fidisay Bariga Qudus iyo waliba la wareegidda magaalada Qudus guud ahaan.

Masjidka ay isku haystaan Falstiin iyo Israa’iil

Al-Aqsa waa magaca “qeybta sare ee qalinka ah” wuxuuna masaajidka ku yaallaa dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaannaan masjidu al-Xaram al-Sharif, halka Yahuuddana ay u garanayaan Macbad.

Waxaa sidoo kale hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhiim ah.

Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa’iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.

Balse khilaafka ka taagan goobtan barakeysan ayaa muddo dheer soo jiray xitaa ka hor inta aan la asaasin Israa’iil.

Sanadkii 1947, Qaramada Midoobey ayaa soo saartay qaraar lagu kala goynayay Falastiin oo markaasi hoos imaanaysay gumeystihii Ingiriiska.

Qorshahaas ayaa soo jeediyay in Falastiin laba dal laga dhigo, oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin.

Israa’iil ayaa la siiyay boqolkiiba 55% halka 45% hartay la siiyay Falastiiniyiinta.

Magaalada Qudus oo ah goobta uu ku yaallo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa waxaa gacanta ku haysay beesha caalamka waxaana maamulaysay Qaramada Midoobey.

Waxaa meeqamkaas loo siiyay muhiimadda diimeed ee ay leedahay magaalada.

Dagaalkii cCarabta iyo Israa’iil ayaa qarxay sanadkii 1948 ka dib markii Israa’iil ay ku dhawaaqeen in ay dal yihiin isla markaana ay qabsadeen 78% dhulkaasi intii hartayna oo kala ah Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Gaza waxay hoos imanayeen Masar iyo Urdun.

Israa’iil ayaa xoojisay boobka dhulkaasi sannadkii 1967, ka dib dagaalkii labaad ee Carabta iyo Israa’iil markaasi oo ay isku sii fidisay Bariga Qudus iyo waliba la wareegidda magaalada Qudus guud ahaan.

Share.

Leave A Reply