Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dalab labaad oo 70 milyan ginni ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Moises Caicedo.

Gunners ayaa xariir ganacsi la leh Brighton, iyadoo bishaan kala  soo wareegtay garabkii kooxdaas ee  Leandro Trossard iyadoo hishiiskiisa ay ku baxday lacag gaareysa 26 milyan ginni.

Xilli sidoo kale ay la soo wareegeen  Jakub Kiwior hadana weli kooxda Arsenal waxa ay baadi goobayaan qad dhexe.

Kooxda Mikel Arteta ayaa Caicedo u aqoonsatay mid ka mid ah bartilmaameedyadooda ugu muhiimsan, waxaana ay horay uga geeyeen dalab 60 milyan ginni ah oo ay ka soo diiday kooxda Seagulls.

Inkastoo Brighton ay muujisay inaysan dooneyn inay iibiyaan Caicedo bishaan, 21-sano jirkaan ayaa dhawaan soo dhigay baraha bulshada si uu u muujiyo rabitaankiisa ku biirista hogaamiyaasha Premier League.

Arinta xoojineysa in Arsenal heleen saxiixa laacibak ayaa in wiilkaas uusan xalay ciyaarin kulankii FA Cup-ka ee ay kooxdiisa ku garaaceen Liverpool

Sky Sport ayaa sheegeysa in Arsenal ay geeyeen saacadihii la  soo daafay dalab cusub oo gaaraya 70 milyan oo gini oo ay sii dheer tahay gunnooyin