HomeCayarahaDaawo:- Arsenal Oo Guul-darro Kale Loo Xambaariyey, Nottingham Oo Kaga Badbaadday Heerka...

Daawo:- Arsenal Oo Guul-darro Kale Loo Xambaariyey, Nottingham Oo Kaga Badbaadday Heerka Labaad & Horyaalka Oo Loo Caleemo-saaray Man City

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul-darro xanuun kulul loo xamaariyey, waxaanay horyaalka hore ugu soo dedejisay Manchester City oo isla caawa u dabbaal-degtay ku guuleysiga maadaama Gunners oo hal ciyaar ahi u hadhay ay afar dhibcood ka horreyso.

Nottingham ayaa gool madi ah oo ay qaybtii hore dhalisay ku dishay Arsenal oo awoodi weyday inay ka daba timaaddo inkasta oo ay fursado badan heshay labadii qaybood ee ciyaarta.

Weeraryahanka reer Nigeria ee Taiwo Awoniyi ayaa hoggaanka u dhiibay Nottingham daqiiqaddii 19aad ee qaybta dambe, waxaana uu goolkaasi noqday midka kaliya ee ay labada kooxood kala dhaliyeen ee kala saaray kooxahan.

Nottingham ayaa aad ugu baahnayd guushan oo ay kaga baxsanaysay inay khadka cas, waxaanay ka badbaadday inay u noqoto heerka labaad iyada oo afar dhibcood ka sarraysa naadiga khadka cas ku jira ee Everton halka Leeds United oo laba kulan u hadhsan yihiinna ay lix dhibcood ka sarreeyaan

Garoonka City Ground ee ku yaalla magaalada Nottingham oo ay fadhiyeen 19,000 taageere ayaa ahaa madal lagu dabbaal-degayay, halka jamaahiirta tirada yarayd ee Arsenal u raacday qaldacaddan ay ku ciillanaayeen garoonka dhaxdiisa oo ay niyad-jab weyn la hoydeen.

Arsenal oo ahayd kooxda gacanta sarraysay ee inta badan maamulaysay ciyaarta ayaa sidoo kale heshay f ursadaha badan, waxaana qaybtii hore kubbad loo qaatay gool ka khasaariyey Martin Odegaard, waxaana lugta u dhigay Gibbs-White.

Lix jeer ayay qaybtii hore oo kalya Arsenal toogatay goolka Nottingham, balse waxa ku jiray oo ay mari waayeen Keylor Navas oo noqday libaaxaay kooxdiisu uga mahad-celisay guushan iyo in ay kusii negaadaan horyaalka Premier League, maadaama Everton iyo Leicester City aanu midkoodna soo qaban karayn halka Southampton ay xilli horeba u noqotay heerka labaad.

Bukayo Saka iyo Leandro Trossard ayaa birta garab mariyey kubbado ay ku toogteen goolka, halka Navas uu badbaadiyey kubbad uu madax ku qabtay Jesus oo meel dhow ka helay kubadda.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa waxa dhaawac fudud uu soo gaadhay Keylor Navas oo badbaadiyey kubbad sare oo ay ku loollameen weeraryahannada Arsenal, waxaase uu awooday inuu sii wato ciyaarta oo ay hal daqiiqad ka hadhsanayd.

https://youtu.be/PvlsBFx6Ra0

Nottingham ayaa si weyn ugu dabbaal-degtay garoonkeeda maadaama ay xaqiiqsadeen in ay kusii negaanayaan hroyaalka Premier League, sababtoo ah Everton iyo Leicester City midkoodna masoo gaadhi karo, halka Leeds United oo ay iyadana ka horreeyaan lix dhibcood ay West Ham la dheeli doonto Isniinta

 

https://youtu.be/PvlsBFx6Ra0

Must Read

spot_img