Arsenal Oo Goa’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Youri Tielemans Kadib Saxiixa Fabio Vieira.

122

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansatay in ay isaga hadho baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Youri Tielemans kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Fabio Vieira iyaga oo diirada saari doona xoojinta boosaska kale ee kooxda.

Gunners ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Fabio Vieira kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fc Porto iyaga oo ka dhigay saxiixoodii 2-aad ee suuqa xagaaga kadib markii ay horay ula soo saxiixdeen Marquinhos.

Kooxda Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Tielemans kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda.

Laakiin kadib markii ay la soo saxiixdeen Vieira, Arsenal ayaa haatan diirada saarays sidii ay u xoojin lahayd boosaska kale ee kooxda suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay The Express, Kooxda Arsenal ayaa gabi ahaan isaga hadhay baacsiga ay ugu jirtay xiddiga Tielemans kadib saxiixa Fabio Vieira.

Arteta ayaa aaminsan in uu haysto xiddigo ku filan khadka dhexe kadib saxiixa xiddiga Fabio Vieira sidaas darteed uma baahnaan doono in uu la soo saxiixdo xiddig kale oo khadka dhexe ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here