Alle ha u naxariistee Fanaankii Maxamed Xasan Barrow ayaa caawa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey.
Allaha u naxarisitee Maxamed Xasan Barrow ayaa ku dhashay sanadkii 1960kii magaalada Gaalkacyo balse waxa uu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho.
Fanaanka Maxamed Xasan Barrow ayaa waxa uu ka mid noqday fanaaniintii kooxda Waaberi isagoo ka mid ahaa fanaaniin jishay riwaayado badan.
1976tii ayuu ka mid noqday fanaaniintii ka qeybgashay tartankii hergelinta heesaha waxaana uu kadib noqday fanaaniin ka mid noqday kooxda Waaberi.
1980kii ayuu ka mid noqday hobalada Waaberi Hargeysa,isagoo riwaayadii ugu horeysay ee uu ka qeybgalo waxa ay ahayd Riwaayadii Galbeed Waa la Xoreeyay.
Fanaanka Allaha u naxarisitee Maxamed Xasan Barrow heesaha uu ku luqeeyay waxaa ka mid ahaa heesta caanbaxday ee Muuqdheer.
Maxamed Xasan Barrow ayaa ahaa Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Wacyi galinta Qaranka waxaana uu ka mid ahaa fanaaniinta faro ku tiriska ah oo aan ka tegin dalkooda soddonkii sano ee la soo dhaafay.