Mogadishu (RadioHalgan)

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Ali Jeyte Osman oo ah Astaan Qaran sidoo kalle noqday shaqsiga Sanad-ka kunna guuleystay innuu umadda soomaaliyeed u muujiyo niyad sammi iyo in Dalka Somalia laggu soo celin karro xasilooni Amni ayaa ku guuleystay arimo aad muhiim uggu ah ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hiiraan.

Ali Jeyte Osman ayaa kullama is daba joog ah layeeshay sedax wasaaradood oo kalla ah wasaaradda caafimaadka wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dib u heshiisiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Federaalka Somalia kulamaas oo ku soo dhamaaday si qanaaco iyo is afgarad ah.

Qodobadda lagga wadda hadlay .

1: Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiin Xukuumada Federaalka Somalia waxa uu kalla hadlay in lagamma maarmaan tahay in Shacab-ka Deggan Gobolka Hiiraan ladhax dhiggo Dib u heshiisiin dhab ah si loo hello Amni iyo wadda shaqeyn aad u mog weyn.

2: wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federalka Somalia waxa uu kalla hadlay in si deg deg ah loo gaarsiiyo adeegyadda caafimaadka Dhamaan Deegaanaddii lagga xureeyay Al-shabaab.

3: Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukumadda Federalka Somalia waxa uu kalla hadlay in wasaaraddu iska xil saarto si shacabka sidda aad ah u gumaadeen Al-shabaab u gaarsiin lahaayeen waxbaraaho tayo leh waxbarashaduna waa tan la’aanteed Aadanahu waxba dhaqaajin karrin.

Gudoomiye Ali Jeyte Osman waxa uu noqday mid u heellan innuu habeen iyo maalin u adeeggo ummada uu hogaan-ka u yahay waanna tan keentay kalsoonidda iyo karaamadda u haayaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Hiiraan.

Hadda Ali Jeyte Osman waxa uu heystaa sedax qodob uu kulla laaban karro Gobolka Hiiraan waanna shaqa aad u addag uusan qaban karrin qof kasta illaa qof u dhabar adeeggay moyee.