Akhriso:- Taariikhda Abwaan Hadraawi ee Maanta geeriyooday

214

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi wuxuu dhashay 1943, waa abwaanka Soomaaliyeed ee qoray suugaan badan oo macno leh, iyadoo  qeyb ahaan maansadiisa loo turjumay afaf kala duwan.

Hadraawi waxa uu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland. Sida qoran Qoyskiisu waxa uu ka kooban yahay hal gabar iyo  siddeed wiil. Sannadkii 1953, isagoo sagaal jir ah, wuxuu u aaday inuu la  noolaado abtigii magaalada dekedda ah ee Cadan wadanka Yemen.

Halkaas ayuu Warsame ka bilaabay inuu dhigto dugsi ku yaalla  deegaanka uu ku helay naanaysta “Hadraawi” (Abuu Hadra). 1963-dii  waxa uu noqday macalin dugsigii hoose.

Markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, Hadraawi waxa uu kasoo  guuray magaalada Cadan, una soo guuray Muqdisho, wuxuuna ka shaqo  bilaabay Radio Muqdisho. Isaga oo wax ka bartay Jaamacaddii Lafoole,  sidoo kalana Macallin kasoo noqday, waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay  Waaxda Warfaafinta ee dawladda.

Heesaha jacaylka ka sokow, waxa uu ahaa nin aad uga faallooda xaaladda  siyaasadda, isla markaana dhaliili jiray dawladdii milateriga ahayd ee  Soomaaliya., iyada oo mar la xiray intii u dhaxaysay 1973 iyo 1978.

Sannadkii 1973-kii ayuu Hadraawi curiyay maansadii Siinley iyo  riwaayaddii Tawaawac ama Baroor oo labaduba aad u naqdiyi jiray  dawladdii milateriga ahayd ee markaas talada dalka haysay. Diidmadaas awgeed, waxa lagu xiray Qansax dheere bishii April 1978.

Markii uu xabsiga ka soo baxay 1978, Hadraawi waxa uu noqday  maareeyaha qaybta fanka ee Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo  Suugaanta ee Soomaaliya. markii uu ku biiray ururka dhaq-dhaqaaqa  Waddaniga Soomaaliyeed ee mucaaradka ku ah dalka Itoobiya.

Waxa uu  ahaa cod aad u xoog badan sannadihii xigay ee dagaalladii sokeeye iyo  taliskii milateriga ahaa, weliba waxa uu ahaa abwaan aad muhiim u ah oo  ka faallooda dhibaatooyinka Soomaalida.

Hadraawi waxa uu u guuray Ingiriiska 1991. Muddadaas waxa uu si  joogto ah ugu socdaalay dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika si uu uga  qayb galo xaflado suugaaneed oo la dhigayey.

Sannadkii 1999-kii ayuu Hadraawi mar kale ku soo noqday dalkiisa magaalada Hargeysa ee Somaliland, isagoo markan degay.

Tiro-koobyo gabayo ah iyo daraasiin riwaayado ah ka sokow, Hadraawi  waxa uu ka qayb-qaatay wada-shaqeyn tiro badan oo uu la yeeshay  fanaaniinta loogu jecel yahaya heesahooda illaa maantadan. Heesihii uu  qoray waxaa kamid ah:

heestii Baladweyn ee uu qaaday Xasan Aadan Samatar 1974-kii Saxarlaay ha Fududaan – oo uu isna qaaday Maxamed Mooge Liibaan Jacayl Dhiig ma Lagu Qoraa? – waxaa ku luuqaynaysay Boqorada Codka Magool, iyadoo kadibna  Tarjumaadda kale ee heesta uu sameeyay af-yaqaankii Ingiriiska ee Doyen Martin Orwin waa “Has Love Been Blood-written?”.

Sannadkii 2012-kii, Hadraawi waxa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Amiir  Claus Award oo uu ku mutaystay wax-qabadkii nabadda ee uu  suugaantiisa ku mutaystay.

Waxaa kaloo jira heeso & sheekooyin badan oo uu curintiisa lahaa, kuwaas oo taabanayey quluubta dadka Soomaalida oo ay kamid yihiin.

Hooya la’anta, Hablaha geeska, Gudgude, riwaayadii Siinley & kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here