Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta dabley hubeysan ay dileen laba nin oo ku eedeysnaa dilka wiil da’diisa lagu qiyaasay 3 jir oo habeen hore meydkiisa laga helay xaaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar.
Sida uu VOA u xaqiijiyay, gudoomiye ku-xigeenka amniga gobalka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Cilmi Raage, dableyda dilka geysatay ayaa eedeysanayaasha ku sugayay bannaanka Maxkamadda kadib markii ay soo dhamaatay qeybtii hore dhageysiga dacwadda.
Raga dilka geystay oo ka tirsanaa malayshiyaadka deegaanka ee dagaalka kula jiro Al-Shabaab ayaa goobta ka baxsaday sida wararku ay sheegayaan