Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa si weyn u amaanay da’yarka furaha u ah kooxdiisa ee Pedri kaddib guushii 2-1 ahayd ee ay kasoo gaadheen Real Betis xalay.
Pedri ayaa muhiim u ah Barcelona oo siddeed dhibcood hoggaanka La Liga xalay kaga qabatay Real Madrid, Pedri ayaa shaqsiyan wakhti fiican ku jira isagoo labadii kulan ee hore laba gool oo uu soo dhaliyay lix dhibcood ugu keenay kooxdiisa
Xavi ayaa doonaya inuusan buunbuunin 20 sano jirkaas balse iska celin waayay inuu la barbardhigo saaxiibkiisii khadka dhexe ee Andreas Iniesta.
Xavi ayaa sheegay inuu Iniesta u aqoonsan yahay hibada ugu fiican ee abid kubadda cagta Spain soo saartay balse uu Pedri haatan heerkiisii yahay.
“Isagu waa ciyaaryahan heer kale jooga, waxaan arkay kuwo aad u yar oo isaga lamid ah. Isagu waa hiboole, waa heerka Iniesta balse Andreas isagu heerkan mudo ayuu sii joogteeyay” ayuu yidhi Hernandez.
“Haddii aynu wakhtigan Iniesta la barbardhigno Pedri Iniesta ayaa si fudud ku guuleysanaya sababtoo ah mudo dheer ayuu ciyaarayay. Aniga ahaan isagu waa hibada ugu weyn ee abid kubadda cagta Spain soo saartay balse Pedri waa mid aad u fiican, hibo lamid ah ayuu leeyahay”