Beyoncé ayaa dib ugu soo laabatay masraxyada iyadoo qabatay bandhiggeedii ugu horreeyay ee toos ah muddo shan sano ah ka dib – balse dadka oo dhan ma wada xiiseyn.

Fannaanaddan u dhalatay dalka Mareykanka ayaa ciwaannada warbaahinta ku qabsatay bandhigga ka dhacay magaalada Dubai oo ay ku daah fureysay hoteelka maal qabeennada ee Atlantis The Royal.

Inkastoo munaasabaddaas si adag looga mamnuucay in lala galo telefoonka, ayna ka qeyb galeen 1,500 oo qof, haddana waxaa internet-ka lagu faafiyay muuqaal uu qof ku duubay telefoonkiisa.

Taageerayaal badan ayaa ku farxay in ay masraxa kusoo laabato Boqorad B, hase yeeshee kuwo kale ayaan ku faraxsaneyn arrintaas maadaama Dubai uu ka jiro sharci aad u adag oo mamnuucaya dadka isku jinsiga ah ee xiriirka sameeya.

Albunkii ugu dambeeyay ee ay soo saartay fannaanaddan oo lagu magacaabay “Renaissance” ayaa si weyn loo jecleystay maadaama ay “ku sharfeysay dhaqanka dadka madowga ah” sidoo kalena ay ku ammaaneysay dadka isku jinsiga ah ee xiriirka yeesha.

Sidaas awgeed taageerayaal badan ayaa ka carooday in Beyoncé ay soo rogaal celinteeda ku billowdo waddan aan aqoonsaneyn dadka noocaas ah.

Fannaanaddan oo heesaheeda iyo qoob ka ciyaarkeeda si weyn loo xiiseeyo ayaa dhalatay sanadkii 1981 haddana da’deedu waa 41 sano.

Beyoncé iyo Beckham

Dubai waxa ay ka tirsan tahay Boqortooyada Imaaraadka Carabta ee Midoobay oo ah waddan ku yaalla Bariga Dhexe oo ka kooban ilaa toddobo gobol oo ku dhaqma sharci adag loo dhowro.

Dalka u dhow ee Qadar oo marti geliyay tartankii Koobka Adduunka ee 2022 ayaa leh sharci kaas la mid ah.

Qadar ayaa lagu dhaliilay sida ay u wajahday dadka isku jinsiga ah ee xiriira, sida ay u maareyso xuquuqda aadanaha iyo sida ay ula dhaqanto shaqaalaha qaxootiga ah.

Ruug caddaaga Kubbadda Cagta ee Ingiriiska, David Beckham ayaa dhaleeceyn weyn kula kulmay heshiis lacag badan ku baxday oo uu Qadar kula saxiixday xayeysiinta munaasabadda Koobka Adduunka, taasoo uu u jeedyay majaajiliistaha caanka ah ee lagu magacaabo Joe Lycett.

Si la mid ah Beyoncé ayuu David Beckham u taageeri jiray dadka isku jinsiga ah ee xiriirka, isagoo sanadkii 2002 kasoo muuqday jaldiga Majallad ay dadkaas leeyihiin.

Balse cambaareynta ay la kulantay fannaanaddu ma aha mid u weyn sida tii loo jeediyay Beckham.

Taageerayaal badan ayaa muujiyay in ay garab taagan yihiin Beyoncé – qaarkoodna waxay sheegeen in Imaaraadka Carabta iyo waddamada ku hareereysan aysan ahayn dalalka keliya ee kasoo hor jeeda xuquuqda bulshada dadka isku jinsiga ah ee xiriira, sidaas awgeedna aysan habbooneyn in keligood farta lagu fiiqo.

Dad kalena waxay tooshka ku ifiyeen farqiga u dhaxeeya labada qof ee la dhaleeceeyay, tusaale ahaan in Beyoncé lacag lagu siiyay shaqo ganacsi oo ku saabsan munaasabad gaar loo leeyahay halka Beckham ay lacag siisay dowlad ka rabtay in uu waddankeeda wax u xayeysiiyo.

BBC-da ayaa la xiriirtay Beyoncé si ay jawaab uga bixiso arrintan.

BBC SOMALI