Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Cuntada Adduunka, David Beasley iyo xubno ka tirsan hey’addiisa ayaa waxaa uu lakulmay RW Xamse Cabdi Barre.

107

Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Cuntada Adduunka, David Beasley iyo xubno ka tirsan hey’addiisa ayaa waxaa uu lakulmay RW Xamse Cabdi Barre.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Cuntada Adduunka, David Beasley iyo xubno ka tirsan hey’addiisa.

 

David Beasley, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyay ee hey’adda ka socda oo soo booqda Soomaaliya – tan iyo markii abaartu billaabatay, ayaa ujeedada socdaalkiisa tahay sidii uu u xoojin lahaa hawlaha ay hey’adda WFP ka wadday dalka iyo sidii looga jawaabi lahaa cuno-yarida iyo abaaraha saameeyay shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi oo soo dhaweeyay wafdiga ayaa sheegay in booqashadooda ay ku soo beegantay xilli muhiim ah oo Xukuumadda Dan-Qaran ay u jiheysay xooggeeda gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan.

 

David Beasley ayaa kulanka ka sheegay in hey’addiisu ay diyaar u tahay la shaqeynta xukuumadda cusub iyo sidii loo dardargelin lahaa hawsha samafalka ee wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan ee abaaruhu ay barakiciyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here