Maanta oo tariikkdu tahay 19-ka bisha May waxay madaxda dalalka ku bahoobay Ururka Carabtu ku kulansan yihiin Magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga, halkaas oo ay ku qaadanayaan kulankoodii 32-aad, waxaana ka qayb galaya Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad oo golahan ka maqnaa tan iyo sannadkii 2011 markaas oo ururkan laga saaray bishii kow iyo tobnaad ee sannadkaas.
Balse waxaan halkan idiinkugu soo gudbinaynaa afar waxyaabood oo aysan dad badan ka ogeyn Bishaar iyo qoyskiisa.
Bashaar Al Asad waa Dhakhtar
Marka hore Bashaar Al-Asad waa cunuggii saddexaad ee carruurta uu dhalay Xaafid Al Asad- madaxweynihii hore ee Suuriya, xubinna ka ahaa xisbigii bacath kaas oo sannadkii 1971 -kii af gebi ku qabsaday xukunka dalkaas.
Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad wuxuu jaamacadda Dimishiq ka diyaariyey maadada caafimaaka isaga oo ka qalin jabiyey sannadkii 1988. Intaas ka dib wuxuu dhaqtar milatari kasoo noqday isbitaalka milatariga ee Dimishiq.
Sannadkii 1992 wuxuu u guuray magaalada London ee dalka Ingiriiska si uu wax barashadiisa usii wato, halkaas oo uu ka diyaarinayey caafimaadka indhaha ka hor inta aanu dib ugu soo laaban dalka isaga oo aan dhameystirin.
Sababtu waxay tahay waxaa sannadkii 1994 shil gaari ku geeriyooday walaalkiis ka weyn Basel Al Asad oo loo diyaarinayey in uu madaxtinimada ka dhaxlo aabihiis, saas darteed Bashaar oo aan lagu fekereyn in uu xitaa siyaasadba geli doono ayaa ayaa looga yeeray jaamacaddi uu ka baranayey caafimaadka si uu ula wareego talada dalka marka uu aabihiis geeriyoodo madaama wiilkii ka weynaa ee dhaxli lahaa uu dhintay.
Dastuurka ayaa dartiis wax looga beddalay.
Ka dib geeridii aabihiis ku timid ee bishii Juun sannadkii 2000, Asad waxaa u soo bannaanaaday xilkii loo sii carbinayey, balse hal caqabad oo dastuuri ah ayaa taagneyd.
Sida ku xusnayd dastuurkii Suuriya ee xilligaas, da’da ugu yar ee qofka dalkaas madaxweyne ka noqon kara ayaa ahayd 40 jir halka Bishaar uu xilligaas jiray 34, wuxuuna ku qasbanaa in uu 6 sano oo kale sugo ama qof kale loo dhiibo madaxtinimada dalkaas.
Balse saacado uun kadib geeridii Xaafid Al Asad- Bashaar aabihiis – ayey baarlamaanku ansixiyeen in dastuurka wax laga beddalo taas oo da’da ugu yar ee qabashada xilka madaxtinimada laga dhigayo 34 halka ay ka ahayd 40, bil gudaheedna Bashaar waxay golihii xisbiga uu aabihiis ka dhaxlay ee Bacath u magacaabeen musharraxa xisbiga.
Baarlamaanka ayaa ansixiyey magacaabista, bishii xigtay ee isla sanadkaasna wuxuu noqday musharrax aan cidi la tartameyn, sidaas ayuuna ku noqday madaxweynaha hogaamin doona Suuriya 7 sano ee soo socoto.
Lacag ayaa madaxiisa la dul dhigay
Sannadkii 2015 kooxda Al-Nusra Front ee Alqaacidada Suuriya ayaa soo saartay lacag malaayiin doolar ah oo ay dul dhigtay madax Bashaar iyaga oo sheegay in ay lacagtan ku abaalmarinayaan qofkii dila madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad.
Madaxii kooxdan Al-qaacidada ah ee Al Nusra Front- Abu Muxamed Al-Julani ayaa sheegay in uu siinayo “ saddex milyan oo yuuro qofkii dili Bashaar Al Asad sheekadiisana soo afjari kara” .
Balse tan ayaan weli dhicin maadaama uu ahaa hogaamiye awood badan, ilaalo bandanna leh.
Sumcad dhiskii xaaskiisa
Bishii Disembar ee sannadkii 2000, Bishaar ayaa guursaday Asma Fawaz oo ay isku barteen intii uu wax ka baranayey dalka Ingiriiska. Asma labadeeda waalidba waa Suuriyaan balse iyadu waxay ku dhalatay dalka ingiriiska isla halkaas ayeyna kusoo barbaartay.
Ka dib markii ay isguursadeen Bishaar waxay diiday fursad ay ka heshay jaamacadda aadka loo jecel yahay ee Havard, halkaasoo ay ka diyaarin lahayd shahaadada labaad ee jaamacadda (Master) oo ganacsiga ah, taas baddalkeeda waxay soo raacday seygeeda, hase yeeshee waxay caan ku ahayd in ay baraheeda bulshada soo dhigto sawirro ay ka muuqdaan dukaameysi iyo tamashleyn badan iyada oo la sheegay in ay boqolaalk kun oo doolar ku bixin jirtay xirashada dharka faashanka ah ee qaaliga ah, dahab iwm.
2016 waxay dhaleecayn dhanka warbaahinta ah kala kulantay dadka reer galbeedka oo ku tirinayey in ay tahay gabar ingiriis ah, waxayna ku eedeeyeen in ay labis iyo baashaal ka bixi la’dahay halka dadkeedii barakacayaan, gaajana u dhamaanayaan.
Intaas ka dib waxay shaqaaleysiisay shirkad ka shaqaysa xiriirka bulshada taas oo ay u adeegsatay in ay ka duubaan muuqaallo iyo wareysiyo sumcaddeeda kor u soo qaadaya maadaama ay bixinayeen sawir ah, in ay tahay marwo koowaad oo naxariis badan isla markaana ay dareento “ xanuun iyo murug” marka ay aragto dadka dhaawacmay iyo dumarka ku rag waayey dagaalka. Muuqaaladan ayaa caan ka noqday bulshada galbeedka maadaama ay sii deynayeen warbixinno ay ku xiran yihiin.
Bbc Somali