Dowladda Sucuudiga ayaa gudaha dalkeeda waxa ay ku fulisaa dilalka maxaabiista, iyadoonan wax diginin ah oo hordhac ah la siin qoysaskooda, ehelka dadkaas ayaa sidaasi BBCda u sheegay.
Heerka dilka ee dalkaasi ayaa ku dhawaad laba laabmay tan iyo 2015 – sida lagu sheegay warbixinnada ay soo saaraan hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda aadanaha – sannadkaas oo Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed bin Salmaan ay awoodda la wareegeen.
Qoyska Mustafa al-Khayyat ayaanan la ogaysiin in ninkaasi la dili doono.
Illaa iyo haatanna ma hayaan xitaa maydkii haddii ay aasan lahaayeen, iskaba daa qabri ay booqdaanee. Maalintii ugu dambaysay ee ay xog ka helaan waxay ku wadahadleen taleefanka xabsiga, markii uu taleefanka dhigayayna waxa uu hooyadii ku yiri: “Hagaag, khadkaan ka baxayaa. Waan ku faraxsanahay inaad caafimaad qabtid.”
Wixii markaas ka dambeeyay ma jirto cid xiriir la yeelatay Mustafa, waxayna aheyd markii ugu dambaysay ee ay qoyskiisa wada-hadlaan.
Bil kaddib, Mustafa waa la dilay – oo waxa uu kamid ahaa 81 nin oo la dilay 12-kii Maarso 2022, taas oo aheyd toogashii ugu badneyd ee mar qura uu Sucuudigu fuliyo taariikhda dalkaasi.
Magaca Mustafa ayaa ku jira liis dheer oo hadba dad kale lagu darayo oo ay isku soo uruuriyeen kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Reprieve – taas iyada iyo hay’adda xuquuqda aadanaha ee European Saudi Organization for Human Rights, ay diiwaangelinayeen dilalka ay fuliso dowladda Sucuudiga si ay ugu daraan warbixin cusub oo ay soo saarayaan.
Iyadoo lagu salaynayo xog la uruurinayay tan iyo 2010, ayaa daraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday:
- Heerarka dilalka Sucuudi Carabiya ayaa ku dhawaad laba laabmay tan iyo markii uu xilka la wareegay Boqor Salmaan 2015, markaas oo uu wiilkiisa Maxamed bin Salmaan u magacaabay xilal muhiim ah
- Ciqaabta dilka ayaa si joogta loo isticmaalayay si loo aamusiyo mucaaradka iyo dibadbaxyada, iyadoo sidaas lagu jabinayo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, taas oo tilmaamaysa in loo isticmaali karo oo kaliya dambiyada aadka halista u ah
- Ugu yaraan 11 qof oo markii ugu horreysay ee la xirayay carruur ahaa ayaa la daldalay tan iyo 2015-kii, inkastoo dowladda Sacuudigu ay marar badan ku celcelisay in ay iska ilaaliso in carruur lagu fuliyo daldalaad
- Jirdilku waa “wax ku baahsan” gudaha jeelasha Sucuudiga, xataa carruurta la soo xiro ayaa lagula kacaa
Hay’adda Reprieve ayaa diiwaangelisay 147 dil oo ay dowladda Sucuudiga ay fulisay sannadkii la soo dhaafay, hasayeeshee waxa ay sheegaysaa in ay suuragal tahay in tiradu ay intaas ka badan tahay. Hay’adda ayaa sidoo kale waxa ay sheegaysaa in dalkaasi uu “si khaldan” u isticmaalo ciqaabta dilka ee ka dhanka ah dadka ajaanibta ah – oo ay ku jiraan haweenka ka shaqeeya gudaha iyo dadka gala falalka maandooriyayaasha heelkoodu uu hooseeyo.
Kudhawaad sannad ayaa laga joogaa, markii saraakiisha ay qoyska Mustafa u sheegeen sida loo daldalay isaga iyo raggii kalaba. Walaalkii ka wayn, oo lagu magacaabo Yaasir ayaa sheegaya in taasi ay musiibo u aheyd qoyskooda.
“Ma garanayno in si sharaf leh loo aasay ama in lagu tuuray saxaraha. Wax aan arrintaas ka ognahay ma jirto.”
ISHA BBC SOMALI