Abiy oo qaaday tallaabo lagu soo afjarayo xiisada TPLF –

156

Ra’isal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay maanta oo Talaado ah in dawladda Faderaalka ee Itoobiya ay dhistay guddi wadahadallo la fura xoogagga gobolka Tigrayga ee woqooyiga dalkaas.

 

Abiy ayaa u sheegay baarlamaanka Itoobiya “Marka ay timaaddo nabadda, waxaa la sameeyay guddi wadaxaajood, waxaana wadaxaajoodku u baahanyahay shaqo badan, guddi ayaana loo saaray daraasad ku sameyn doonaan sida loo wadahadli karo”

Waa markii ugu horeysay ee Abiy uu shaaciyo xogta guddigan.

 

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen uu hoggaaminaayo guddigan, kaasoo qaadan doona 10 ilaa 15 maalmood, si ay uga soo baaraandegaan waxyaabaha laga wadaxaajoon doono.

 

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda gobbolada iyo kuwa daacada u ah kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa xagal-daaciyay qorshayaashii dawladdu ku doonaysay in lagu casriyeeyo dhaqaalaha, waxaana uu hakad geliyay qaar ka mid ah maalgashadayaasha shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here