Taliyaha Guutada 8aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS G/Le Maxamed Nuur Maxamed ayaa Maanta Kormeeray Talisyada Ururada 45-aad 46-aad iyo 47-aad  Ee Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad Ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Fadhigeedu yahay  Deegaanka  Goof Gaduud Buurey Ee Gobalka Baay.

Taliyaha Guutada 8aad Ee Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka XDS ayaa Tirakoob ku sameeyey Askarta joogta furimaha ,Sidoo kalana kormeer ku tagi Doona Dhamaan Talisyada Ururada Guutada 8aad Qeybta 60-aad CXDS Ee Fadhigeedu yahay Gobalka Baay.

G/Le Maxamed Nuur Maxamed  ayaa ku amrey  Askarta Furimaha jooga in ay ku ekaadaan Goobahooda Shaqada kana Amar Qaataan Madaxdooda,iyaga oo u diyaar garoobaya dagaalka Al-Shabaab looga saarayo deeganada ay ka jogaan maamulka KGS.

Share.

Leave A Reply