Waxaa beri oo khamiis ah lagu wadaa in garoonka kubadda cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho lagu qabto bannaan bax weyn oo loogu magac daray kacdoon shacab, kaa oo lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

 

Bannaan baxa ayaa waxaa isugu imaanaya kumanaan dadweyne oo ka kala imaanaya degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana bannaan baxa si weyn u abaabulada dowladda gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir.

 

Dowladda Soomaaliya ayaana ku amartay dhammaan shaqaalaha dowladda in ay kasoo qeyb galaan bannaan baxa beri ka dhaca Koonis, waxaana shaqaalaha kala duwan ee dowladda lagu amray in ay beri yimaadaan bannaan baxa.

 

Farriimo loo diray shaqaalaha wasaaradaha kala duwan ee dowladda ayaa loogu sheegay in beri yimaadaan bannaan baxa ka dhacaya garoonka Koonis, waxaana shaqaalaha la faray in ay yimaadaan xarumaha wasaaradaha halkaas oo gaadiid looga qaadayo.

 

 

 

 

 

Xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale laga dareemayaa abaabulka bannaan baxa beri dhacaya, waxaana dadka ku dhaqan degmooyinka gobolka loogu baaqay in bannaan baxa kasoo qeyb galaan.

 

Bannaan baxan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee muddooyinkan ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana bannaan baxan lagu tagaeerayaa dagaalka iyo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.