Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab

 

deegaanka Duduncad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan dagaalka ayaa bilawday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo la sheegay iney doonayeen iney gubaan Ceel biyood laga dhisayo deegaankaasi oo ay ka war heleen ciidamada dib u xureynta deegaanka waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal socday ku dhawaad hal saac oo xiriir ah dagaalka dhexmaray ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda iyo Al-shabaab ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac Al-shabaab oo laga saaray guud ahaan deegaanada iyo degmooyinka dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa mararka qaar weeraro gaadmo ah ka geysta deegaanadii horay looga saaray.