Baraha Bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa waxaa qabsaday hadal hayn ka dhalatay xifaaltan dhex maray laba wasiir oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.
Arrinka labada wasiir ayaa lagu tilmaamay in uu salka ku hayo khilaaf la xiriira labada doorasho ee golaha deegaanka Puntland ee iska soo horjeeda. Waa wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wasiirka caddaaladda, Maxamed Cabdiwahaab.
Xifaaltankooda wuxuu ka billowday doorashadii lagu murmay ee golaha deegaanka ee Boosaaso ee hogaannada lagu doortay oo ay meelo kala duwan ka kala taagan yihiin.
Doorashada ayaa siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa xukuumadda taageersan ay dhinacyo kala duwan ka kala taagan yihiin, waxaana taasi ka dhashay kala qaybsanaan weyn oo markii dambe keentay in laba duq magaalo iyo laba ku xigeen looga dhawaaqo magaalada, sababo la xiriira shuruudaha ay ku qabsoomi karto doorashada golaha deegaanka oo qolaba ay si u fasiratay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo maamula howsha doorashooyinka golaha deegaanka ayaa wax-kama-jiraan ku tilmaamay labada doorasho, isaga oo sheegay in aysan midka u buuxsamin kooramka, oo uu ku saleeyay xeer uu soosaaray maalmo kahor doorashada.
Xeerkaas ayaa dhigayay in kooramka doorashada guddoonka golaha deegaanka ay ku ansixi karto inay saddex meelood labo meel xaadirto, taas oo labada dhan ba u suurtogelin.
Lakiin Wasiir-u-dowladda isla wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Kulan ee ka qeybgalay doorashada duq magaalo ee ay doorteen isbaheysiga xisbiga dowladda, Sincad iyo Mustaqbal ayaa ka horyimid warka wasiir Juxa, isaga oo sheegay in ay ansax tahay doorashada garabka dowladda.
Taas waxay banaanka usoo saartay khilaafka ka dhexeeya xukuumada Puntland iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi Faarax Juxa, oo mardambe kusoo biiray xukuumada madaxweyne Deni si uu u buuxiyo booskii uu baneeyay wasiirkii maaliyadda awoodda badnaa, marna ahaa saaxiibka ugu dhow Deni Xasan Shire Abgaal, oo ay isku qoondo yihiin Juxa.
Halkaas waxaa ka bilowdya Facebook ku dirirka labada wasiir, Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa, iyo Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab.
Labada mas’uul oo dadka aadka ugu dhuun daloola ay sheegayaan in ay yihiin saaxiibo aad isugu dhow ayaa xifaaltankooda u adeegsanayey gabayo hore iyo hadallo sarbeeb ah oo midba uu kan kale ku durayo, ayadoo misna ay ka kala dhowrsanayeen in xanaf kulul ay kala gaarto.
Wasiirka cadaaladda oo qoraalladiisa ay ka muuqatay inuu taageersan yahay doorashadii ka dhacday Boosaaso todobaadkan ayaa bartiisa Facebook ku qoray “Wiilkii timirta jeclaa ee loo diray inuu waxaraha kaxeeyo wuxuu yiri ‘ma waxaro timir arkayaa tagaya’? Siyaasiyiinta doorasho diidka ah, kuwaan dadkooda kalsooni ku qabin iyo kuwa dowladnimada u yaqaan hagbadda indhahoodu ma arkaan doorasho qof & cod ah iyo xeerarka u dagan doorashada dalka gaar ahaan qodobka 29aad”.
Isla qoraalkaas ayuu la soo galiyey masawir uu ka soo qaaday qodob ka mid ah dastuurka Puntland oo dhigaya afar qodob oo doorashada guddoomiyaha ka hadlaya.


Cabdi Faarax Juxa oo si duurxul ah uga jawaab celinayey aragtida Maxamed Cabdiwahaab ayaa bartiisa Facebook soo dhigay tuducyo uu ka soo qaatay gabay uu sheegay inuu tiriyey Maxamed Nuur Fadal sida ka muuqatada masawirka hoose, oo uu la socdo muuqaalka buug uu Juxa qudhiisu qoray oo la yiraahdo Qab iyo Quursi, laakin degdeg ayuu uga saaray. Masawirkan waxaa BBC la wadaagay dad sii masawirtay inta uusan Juxa ka saarin.
Dadka labadaas nin isku yaqaana, xifaaltankoodana la socda waxay sheegeen in uu wasiir Juxa go’aankaas u qaatay si aan tafsiir ama micnayn ka duwan tii uu uga gol-lahaa looga samayn.
Laakinse intaa kuma istaagin xifaaltanka. Wasiir Maxamed Cabdiwahaab wuxuu soo qaatay gabaygii Sallaan Carrabey ee “Xaashaaye nin libin kaa xasdiyey xumihi waa yaabe”. Waxaasoo dhami waxay dhacayeen 24 saacadood.
Saaxiibtinimada labadaas siyaasi ayaa soo jirtay muddo 10 sano ka badan. Waxay isku waqti ka soo shaqeeyeen xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ee 2009 – 2014.
Xilligaas Cabdi Faarax Juxa wuxuu ka ahaa wasiirka Waxbarashada, halka Maxamed Cabdiwahaabna uu ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada.
Markii uu Juxa shaqo joojinta ku sameeyey bishii Luulyo 2017 xoghayihii joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladda Federaalka Yaxye Cali Hareeri, markaasoo uu Juxa wasaaradda maamulayey, ayuu si KMG ugu sii dhiibay xilkaas inuu si hayo Maxamed Cabdiwahaab. Arrintaas ayaa noqotay mid iska xurguf ka dhex abuurtay Juxa iyo ra’iisul wasaarihiisii xilligaas Xasan Cali Kheyre.
Ka hor intii uusan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, soo magacaabin golihiisii wasiirrada markii la doortay, ayaa Juxa, sida ay BBC ogaatay, wuxuu ka codsaday madaxweyne Deni in liiska golaha wasiirrada lagula soo daro saaxibkiis Maxamed Cabdiwahaab oo uu ku tilmaamay “nin hawlkar ah”.
Labada mas’uul waxay ka siman yihiin adeegsiga fanka iyo suugaanta, Si gaar ahna Cabdi Faarax Juxa waa nin aad fanka ugu dhex jira oo kabanka (cuudka), wuxuuna sidoo kale uruuriyaa taariikhihii hore.
Dad kale oo ay siyaasiyiin ka mid yihiin ayaa qoraallada mas’uuliyiintaas fikradahooda ka dhiibtay.