8 caqabad oo horyaalo ra’isulwasaaraha cusub ee Xamza Cabdi Barre

215

– Xamza Cabdi Barre ayaa 15-ka bishaan loo magacaabay ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya. Ninkaan ayaa la filayaa in dhawaan uu madaxweynaha hor geeyo Baarlamaanka si loo siiyo codka kalsoonida kadibna waxaa looga fadhiyaa dhismaha xukuumad u adeegta dalka oo ku jira waqti aad xasaasi u ah.

 

Haddaba sheekadaan waxaan ku eegeynaa 8 waxyaabood oo shacabka rajeenayaan inuu hor tabin ka dhigan doono ra’isulwasaaraha cusub kuwaas oo haddii uu ka boodo aysan wax badan u hirgeli karin.

 

 

 

 

1. Saamileyda siyaasadda

Xamza wuxuu fahamsan yahay in magacaabistiisa ay wax u dhibtay qaar kamid ah xubnihii codadka siiyey Xasan Shiikh wareegii labaad iyo midkii sedexaad ee doorashada maadaama uu isaga markii horaba ka tirsanaa kooxda Xasan Shiikh.

 

Kooxihii kala duwanaa ee sugayey kursiga ra’isulwasaaraha hadda uma caafimaad qabaan sidii ay ahaayeen magacaabistii Xamza ka hor.

 

 

 

Inuu kooxahaas mudnaan siiyo oo uu xukuumadda ka dhigo mid midnimo siyaasadeed abuurta oo dib isugu soo celin karta saamileyda siyaasadda waa xujo hor taalo ra’isulwsaare Xamza.

 

2  Baarlamaanka

Ra’isulwasaaruhu wuxuu la shaqeyn doonaa Baarlamaanka aysan kooxdiisa xildhibaano badan ku laheyn taas oo isaga iyo saaxiibadiis ka dharagsan yihiin.

 

Musharixiin kale, xisbiyo iyo kooxdii madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaan ku heysto golaha, waxaa jirta aragti durba la abuuray oo ah in xukuumadda laga ilaaliyo xildhibaanada, haddii ay taasi dhacdo iyadoo kooxdiisana aysan markii horaba xildhibaano badan oo rasmi ah golaha ku laheyn wuxuu ra’isulwasaaraha la kulmi karaa caqabad weyn.

 

 

 

Xujooyinka hor yaala waxaa kamid ah sidii uu golaha shacabka ugu dhex yeelan lahaa xildhibaano badan oo daacad u ah kuwaas oo u sahli kara inay golaha mariyaan qorshayaasha xukuumadiisa kana badbaadin kara ugaarsi uga yimaado baarlamaanka dhexdiisa.

 

3  Shaqada Dowladda

Dowladda Federaalka ah ayaa wax shaqo ah ka qaban dalka labadii sano ee lasoo dhaafay iyadoo Farmaajo iyo Rooble uu waqtiga kaga dhammaaday dagaal iyo sharciyada qoran oo laga boodo.

 

 

 

Waxaa joogsaday mashaariicdii socotay waxaana yaraaday gargaarkii beesha caalamka, dalka waxaa ka dilaacay abaaro, xafiisyo badan oo dowladeed ayaa u xirmay khilaafka madaxda sare, waxaana dhaawac weyn soo gaaray wada-shaqeynta hey’adaha dowladda, ciidanka iyo beesha caalamka.

 

Dib u xasilin shaqo ayaa kamid ah waxyaabaha sida deg degta ah looga sugayo ra’isulwasaaraha cusub.

 

4.  isku milanka awoodaha

 

 

 

 

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa xoogeysatay awoodaha isku Milan ee dowladda taasoo dhaawacday shaqada iyo isla xisaabtanka.

 

Madaxweynayaasha waxay isku dayaan inay ku milmaan shaqada xukumadda, xukuumadahana waxay isku dayaan inay farageliyaan shaqada hey’adda sharci dajinta.

 

Dhaqankaan wax hormar ah kuma siyaadin dalka iyo dowladnimada. Ra’isulwasaare Xamza waxaa la eegayaa haddii uu karo inuusan awoodiisa siinin cid kale iyo inuusan faraha la gelin awoodaha waaxda sharci dajinta.

 

 

 

 

5.   Amniga iyo Al-Shabaab

Dalka wuxuu ku jiraa xilli adag amni ahaan, caasimadda weli ciidamada dowladda waxay sii wadaan dilalka shacabka, Al-Shabaab ayaa iyaguna sidoo kale wada dilal iyo weeraro ay ka fulinayaan gobolada.

 

Baahi weyn oo amni ayaa ka jirta magaalada Muqdisho iyo gobolada ku hareereysan. Ra’isulwasaaraha cusub waxaa hor taala inuu la yimaado aragti amni iyo xukuumad la fulin karta.

 

 

 

Al-Shabaab awaa awood jirta, wada-hadal iyo awood ciidan middii lagu xalin lahaaba waa xaqiiqo hor taalo ra’isulwasaaraha cusub oo uga baahan maareyn.

 

6.  wada-shaqeynta beesha Caalamka

Wakiilada caalamiga ah ayaa si weyn uga niyad xumaaday dowladda iyo dhaqanka madaxda Soomaalida. Labadii sano ee ugu dambeysay waxay ku dhawaadeen inay dalka ka quustaan.

 

 

 

 

Dhaqaale badan ayey hakiyeen markii ay xaaladda arkeen, weli waxaa la sheegayaa inay ku jiraan qiimeyn. Ra’isulwasaare Xamza waxaa hor taalo inuu dib u furfuro wakiilada beesha caalamka oo uu kalsooni geliyo si ay mar kale ugu dhiiradaan wada-shaqeyn hagar la’aan ah.

 

7.  Dib u heshiisiinta, dastuurka, wada-hadalka Somaliland iyo doorasho hormarsan

Meelaha lacagaha ugu badan lagu cuno ee iska furan waqtiga dheer waxaa kamid ah dhameystirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta, wax hormar ah laga sameyn shaqooyinkaan. Sidoo kale dowladdi dhawaan waqtiga ka dhammaaday waa ku fashilantay inay doorasho hormarsan dalka ka qabato.

 

 

 

 

Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa iyaguna noqday mashruuc iska taagan. Afartaan arrimood waxay kamid yihiin shaqooyinka ugu muhiimsan dalka balse aan badi mudnaan la siinin.

 

Waa imtixaan ay badi ku dhaceyn xukuumadihii dalka soo maray. Xamza waxyaabaha lagu qiimeyn doono waxaa kamid ah miisaank shaqada uu ka qabto dib u heshiisiinta, wada-hadalada Somaliland, dhameystirka dastuurka iyo horumarinta doorashooyinka.

 

 

 

8.  Siyaasadda arrimaha dibadda iyo loolanka gobolka

Gobolka geeska Africa waxaa ka jira loolan, kala riixasho iyo is xulafeysi, dhinac walba oo ay Soomaaliya u dhaqaaqdo saameynteeda ayey leedahay. Nidaamkii madaxweyne Farmaajo ayaa geeska geliyey Jabuuti iyo Kenya isagoo qaatay Itoobiya wuxuuna ku darsaday Eretariya.

 

In sidii Farmaajo qaar la tuuro qaarna lala shaqeysto aad uma caawin karto Soomaaliyada laga filayo inay dhisaan Xamza iyo Xasan Shiikh.

 

 

 

Dalalka Carabta sida loola macaamili doono iyaduna waa xujo kale, gaar ahaan dowladda Qatar. Siyaasad aan xasilooneyn oo arrimaha dibadda ah ayuu dalku muddo kusoo jiray.

 

Xukuumadda imaan doonto caqabadaha hor yaalo ayey kamid tahay sida ay u abuurto siyaasad arrimo dibadeed oo bilaa cadaawad ah oo danna ugu jirto dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here